USA: Gabar Muslim Ah oo la afduubtay, kadibna Lagu dilay Virginia

0
170

Booliska gobolka Virginia ayaa nin kusoo oogay dacwad ku saabsan inuu dil u geystay gabar 17 jir muslim ah, kadib markii uu weeraray ayada iyo saaxiibadeed oo socda meel ku dhow masjid ku yaalla duleedka magaalada Washington DC.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inuu jiray muran dhex maray labada dhinac, islamarkaana saaxiibadii la socday gabadha ay carareen kadib markii ninka uu kasoo degay baabuurkiisa, oo uu weeraray gabadha.

Saacdo baaritaan ah kadib ayaa meydka gabadha laga heley meel shan KM u jirta masjidka xarunta All Dulles Area Muslim Society (ADAMS). Masjidka ADAMS ayaa ku yaalla magaalada Sterling ee gobolka Virginia, oo 50 KM u jirta magaalada Washington DC.

Intii lagu guda jiray baaritaanka ayaa booliiska waxa ay arkeen baabuur si xowli ah ku socda, oo ay istaajiyeen, waxayna kadib xireen Martinez Torres oo ah 22 jir lagu tuhmayo dilka.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay sheegeen in weli aysan go’aan ka gaarin sababta dhiirigelisay weerarkan.

Xigasho/kilde: VOASOMALI

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments