UK oo muwaadiniinteeda uga digeyso inay u safraan Soomaaliya, marka laga reebo 2 magaalo

0
194

Wasaarada arimaha dibada dalka Ingiriiska(U.K) ayaa sababo xaga amniga ah dartood, muwaadiniinta heysta dhalashada U.K uga digeyso inay u safraan Soomaaliya, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Labadaas magaalo oo ay wasaaradu sheegtay in loogu safri karo oo kali ah, safarada aadka u muhiimka ah ee aan laga maarmi karin.

U.K ayaa dhamaan muwaadiniinteeda hada ku sugan, ku boorineyso inay isaga baxaan Soomaaliya. Kuwa ku sugan Hargeysa iyo Berbara, isla markaana aan halkaas u joogin safaro muhiim ah, waxey wasaaradu ku boorineysaa inay isaga baxaan.

Wasaarada ayaa digniinteeda ku saleysay xaalada amni ee guud ahaan Soomaaliya, oo aan aheyn mid fadhido oo la isku haleyn karo.

Xigasho/kilde: halkan ka akhri fariinta digniinta dowlada U.K

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments