SSB: 94% caruurta soomaalida ah ee Norway ku dhalatay, waxay ka yaryihiin da´da 19-ka sano

0
191

Wakaalada tirokoobka iyo xog uruurinta dalkan Norway ee SSB, ayaa mar kale soo saartay cilmibaaris guud oo ku saabsan bulshooyinka soo galootiga ah iyo ciyaalka ay wadankan ku dhaleen.

Soomaalida ayaa ah qowmiyada sadexaad ee Norway ugu badan tiro ahaan, marka laga reebo dadka kasoo jeedo Poland iyo Lituen. Caruurta soomaalida ah ee Norway ku dhalatay ayaa soo galayo booska labaad ee caruurta soo galootiga ah ee wadanka ku dhashay, marka laga reebo caruurta ay dhaleen qowmiyada Pakistanida.

94% waxey ka yaryihiin da´da 19-ka sano.

Arintan sida gaarka ah ahmiyada weyn ugu leh bulshada soomaaliyeed ee Norway, ayaa ah da´da ay jiraan caruurta soomaalida ah ee Norway ku dhalatay.

SSB ayaa cilmibaaristeeda ku sheegtay in Norway ay ku noolyihiin 12 767 caruur soomaali ah oo wadankan ku dhalatay. Waxeyna da´doodu u qeybsantaa sidatan:

[adsenseyu2]

  1. 0 ilaa 5 sano(da´da xanaanada): 6003 caruur soomaaliyeed ah.

  2. 6-15 sano(da´da dugsi hoose/dhexe): 5175 caruur/dhalinyaro soomaaliyeed ah

  3. 16-19 sano(da´da dugsiga sare):  818 dhalinyaro soomaali ah oo qura

  4. 20-66 sano(jaamacad+heer shaqo): 717 qof oo soomaali ah, isla markaana Norway ku dhalatay, da´daasna ka weyn. 

Tirada dadka soomaaliyeed ee aan Norway kunool, balse aan wadanka ku dhalan(soo galooti ahaan kusoo galay) waa 28 696 qof, waxey da´doodu u qeybsantaa sidatan:

  1. 0-5 sano(da´da xanaanada): 256 caruur ah

  2. 6-16 sano(da´da dugsi hoose/dhexe: 3822 caruur/dhalinyaro ah

  3. 16-19 sano(da´da dugsiga sare): 2 523 dhalinyaro soomaali ah

  4. 20-66 sano(da´da jaamacada+ shaqo): 21 608 qof.

Hadii si kale loo fiiriyo, 45% jaaliyada soomaaliyeed ee Norway kunool waa caruur ka yar da´da 19-sano, ama aan wali soo dhaafin da´da dugsiga sare.

Mustaqbalku waa caruurtaas:

Shaki kuma jiro in bulshada soomaaliyeed ee Norway, ay wali tahay bulsho curdun ah oo aan wadanka sifiican uga soo dhexmuuqan. Waxaana muuqato in mustaqbalka soomaalida Norway uu hadba ku xirnaan doono mustaqbalka caruurtaas soomaaliyeed ee wadanka ku korayso. 

Hadii mustaqbalku caruurtaas uu hagaago, waxaa hubaal ah in soomaalida Norway, ay sumcad ku dhex yeelan doonto, waxna la qeybsan doonto bulshoweynta reer Norway. Si ay taas u dhacdana waa in dadka waaweyn, gaar ahaana waalidkood ay uga tagaan dhaxal ay ku faanaan iyo mustaqbal ay ku deydaan.

Xigasho/kilde: SSB

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments