Haugesund-avis: Muno Waxbarashadii 10 sano lagu qaadan jiray ayey sadex ku qaadaneysaa

0
223

Boga koowaad ee wargeyska Haugesund Avis waxaa shaley ku sawirnaa hooyadan soomaalida ah ee lagu magacaabo Muno Alason Ibrahim oo Norway timid shan sano kahor.

 Haugesund Avis ayaa warbixin dheer oo xiiso leh ka diyaariyay dhowr qof oo ay kamid tahay hooyadan soomaalida ah ee afarta caruurta heysata, dhinacna ka dhigata iskuul. Iyada oo sadex sano rabto inay ku qaadato waxbarashada dugsiga hoose/dhexe oo norwiijigu ay 10-sano ku qaataan.

Hooyadan soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay inay rabto inay sii qaadato waxbarasho heer jaamacadeed oo Sykepleier ah(Kal-kaaliso caafimaad). Dadaalka iyo waxbarashadeeda gaarka ah, waxaa u dheer casharo ka caawinta(leksehjelp) caruurta ay dhashay oo iyagana ardey ah.

Labada wariye ee warbixinta ka qoray hooyadan soomaalida ah, waxaa ka muuqato inay la yaabanyihiin dadaalka iyo hamiga kujiro.

Yaa yiri soomaalidu horey uma socdaan?

Xigasho/kilde: Haugesund Avis-papiravis-(15-Mars-2017, side 28)

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments