Jid aan u baxaanan heyn, jihadii baa iga halowdey, Hadaan kuu jeedi laayoon, jabka kuu sheegi laa, awood baan jirin xageygoo, afkiibaa juuqda gabey.

Mirahan waa luuqda hees oo ay qaadi jirtey AUN fanaanadii Saado Cali Warsame, taas oo soo baxdey sanadadii 1980-kii. Inkasta oo heestu ay tahay mid jaceyl, hadana biyodhaca heestu waa uun qof wixii uu rabey inuu qabto, awood uu afka kusoo mariyo oo uu ku sheegto waayay, ficil iyo dhaq-dhaqaaq warkeeda daayee.

Hada sidaas oo kale waxaa ka dhigan xaalka siyaasiyiiinta soomaalida Norwey siyaasada ugu jiro. Mudo lix bilood ah ayey socotey doodan ku saabsan celinta iyo dib u qiimeynta sharciga magangalyada soomaalida Norwey. Doodaas oo gaartey dal iyo dibadba, meel kasta oo soomaali caalamka ka dagahntahay. Mudadaas lixda bilood ah ee sheekadaas socotey, ma jirin talaabo muuqato oo siyaasiyiinta soomaalida reer Norway ay si wadajir ah u qaadeeen, si wax looga qabto arintaas saameynta baaxada weyn ku leh bulshadii ay siyaasada ugu jiren.

Nin raga gartiisa lama xaqajiree, Baashe Muuse waa siyaasiyga kali ah ee aan maqalney ee  isaga oo arintan ka hadlayo. Waa qofka kali ah ee warbaahinta wadanka kasoo muuqdey, isaga oo arintan bal ugu yaraan dhaleeceynayo. Laakiin hadal haan ma buuxshee, waxqabad, saameyn iyo dhaq-dhaqaaq ayaan jirin dhinac walbe. Balse ceyri ceymo ma diido, oo hadalku Baashe wax la´aan waa dhaantaa.

Ugu danbeyn dowlada Norwey ayaa 3 maalin kahor soo saartey tirada dadka sharcigooda dib loo qiimeynayo, waana 1600 oo qof. Sharciga ajaaniibta dhan ayuu khuseeyaa, balse soomaalida ayaa lagu tijaabanayaa marka hore inta aan lala aadin qowmiyadaha kale ee wadanka ku dhaqan. Wax kaleba intaan la gaarin soo taas laftirkeeda calool xumo iyo ciil ma ahan. in dadkeenu ay noqdaan (Prøvekanin) ama xayawaanka daawooyinka lagu tijaabiyo inta aan qof bini aadam ah lagu dayin. Halkaas anaga ayaa isdhigney ka qowmiyad ahaan, waxaana guruneynaa mirihii midnimo la´aanta iyo isgarab yaaca. Lax walbe meesha ay is dhigto ayaa lagu qalaa. Aan maalno caanaha hashiinee aa dhaqaney ee magaceedu ahaa midnimo iyo qadiyad la´aan.

1600 oo qof oo soomaali ah oo halkan nabadgalyo ku heysto ayuu maanta mustaqbalkoodu calaamad su´aal saaranyahay. Waxaa kujiro hooyooyin caruur leh, caruur aan qaangaarin oo qaarkood ay Norway ku dhasheen iyo waliba dhalinyaro tahriib, magafe iyo saxare soo martey. 

Waxaan baaritaan ku sameynay profilada faceboogyada qaar kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ee Norway, bal si aan u fiirino iney arintan ka danqadeen, oo xitaa ugu yaraan asxaabtooda facebooga ama Twiterka ay la wadaageen. Ilaahey baan idinku dhaarinaye, bal nala eega waxa ay qaarkood ku mashquulsanyihiin, iyada oo 1600 qof  soomaali ah ay caawa wel-wel ku joogaan Norway:

  1. Gabar kamid ah siyaasiyeenteena waxay aad ugu mashquulsantahay doorashada ka dhaceyso Soomaaliya iyo saamiga ay dumarka ka heli doonaan. 

  2. Nin kamid ah siyaasiyiinteena Norwey waxa uu aad ugu mashquulsanyahay siyaasada iyo xaalada guud ee dalka mareykanka iyo doorashada halkaas ka dhici doonto dhawaantan. 

  3. Nin kale oo siyaasi ah waxaa facebooga qeybtiisa koowaad ugu sharaxan Loogada xisbiga UCID ee Somaliland oo uu malaha ka tirsanyahay.

  4. Gabar siyaasiyad ah ayadna, waxey u dagaalameysaa in idaacad(Radio) ay ayadu leedahay ay dowlada ka hesho lacag kaalmo ah.

  5. Mid kale waxa uu bogiisa ku taxan sawiro uu kusoo galey shirka golaha deegaanka xisbiga uu ka tirsanyahay ee deegaankiisa.

  6. Mid kale waxa uu faceboogiisa ku taxdey maqaalo ka hadlaya dowlada ingiriiska oo ogolaatey in gabdhuhu ay xiran karaan xijaabka, xiliga shaqada boolisnimada.

Dee ilma adeerayaalow, maxaan beenta isugu sheegeynaa, ma dadkaas ayaa na matala oo aan hada wax ka sugeynaa?

Labada siyaasi ee arinta dib u celinta ka hadlaya ee aan baraha bulshada ku aragney waa :  Baashe Muuse oo ka tirsan AP iyo Mariam Abdi Hussein oo ka tirsan SV Oslo. 

Su-aalahan haka jawaabeen siyaasiyiinta reer Norwey:

  1. Maku faraxsantihiin in qoysas iyo haween soomaaliyeed dib loogu celiyo Soomaaliya oo wali xaalkeeda amni uu cirka marayo? Aamusnaantu waxey calaamad u tahay raali ahaansho(Maah-maah carbeed)

  2. Maxaad arintan uga hadli la´dihiin ilaa hada, waxqabad iyo dagaalan ha ii danbeeyaane?

  3. Maxaa idinkoo wada jir ah aad qoraal ama statement uga soo saari la´dihiin?

  4. Kuwiina ka tirsan xisbiga (AP) xageed ku maqneydeen markii xisbiga soomaalida ay codkoodu isugu geysay uu heshiiska saameynta intaas le-eg ku yeelanayo dadkiina uu saxiixayo? Sideed arintaas rabtaan inaad nooga dhaadhicisaan?

  5. Wax qorshe ah arintan maka leedihiin, mudaharaad, qeylodhaan, wafdi aad Soomaaliya u dirtaan oo xaalada soo indha-indheeyo?

  6. Ugu danbeyn Sideed rabtiin inaad nagu matashaan oo aan markale idiin kugu codeyno, hadaad dhuumateen markii la idinkugu baahi badnaa?

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

1 kommentar/ Fikrad celin På "Siyaasiyiinta soomaalida Norwey: Awood baan jirin xageenoo, afkiibaa juuqda gabey"

Notify of
avatar
Sort by:   newest | oldest | most voted
Abdirahman diinaari
Guest
Abdirahman diinaari

ASc sxbkey Norsomnes waxaan kaaga Mahad celinaayaa sida aat dhiiga walalhaada Somaliyeed aat ugu danqaneysid adiga iyo inta kuula mid ah waan idinku raacsanahay ee Somalidii layaqaanay Allaha inoo soo celiyo kuwaan veriska qabo Alle hanaga dulqaado Soomaliweyn guuul ayaan leeyahay meelkasto ay dunida kajoogaan

wpDiscuz