torsdag, mars 28, 2024

UDI-da oo sheegtay iney khuburo u xilsaari doonto howsha dib u qiimeynya sharciyada magangalyada

UDI-da ayaa sheegtay iney gudi ka kooban aqoonyahano iyo khuburo u xilsaari doonto howsha dib u qiimeynta sharciyada magangalyada dadka soomaaliyeed ee tiradoodu gaareyso 1600. Waxaa sidaas qorey wargeyska Vårtland.

Gudigan ayey UDI-du sheegaysaa inay kormeer iyo dabagal ku sameyn doonaan howsha dib u qiimeynta iyo dib ugala noqoshada sharciyada maganyalyada dadka qoxootiga ah, si loo xaqiijiyo iney waafaqsantahay xeerarka dagsan. Waxey kormeeri doonaan howsha dib u qiimeynta,  dib u eegisna ku sameyn doonaan keysas badan, iyaga oo sidoo kale qaadi doono wareysiyo ku saabsan arintan, ayaa ku qoran warka uu qorey wargeyska Vårtland.  UDI-da ayaa sidoo kale sheegeyso in howsha gudigan ay bilaaban doonto deyrtan(høstigan), iyada oo socon doonto mudo 6 bilood ah.

 

2794173Helge Andre oo ka tirsa xisbiga FRP, ahna Madaxa gudiga xiriirka ee baarlamaanka Norwey ayaa ku faaney in dowlada hada jirto, gaar ahaan xisbiga FRP uu yahay kan dabada ka riixayo howsha dib u qiimeynta iyo dib u celinta qoxootiga dowlada Norway weydiistey magangalyada.Wuxuu sheegay in wax badan ay ka khaldanyihiin systemka magangalyo siinta qoxootiga ee hada jiro, sidaas darteedna uu xisbiga FRP furey bog cusub oo ku saabsan taariikhda magangalyo siinta Norwey iyo qaarada yurub oo dhan. 

Hadii aad sharciga magangalyada heshay, micnaheeda ma ahan inaad halkan degenaan doonto inta aad rabto. Hadii xaalada amni ee wadankaagu ay soo hagaagto, waa inaad dib ugu noqotaa, si aad uga qeybqaadato horumarka iyo dibudhiskiisa

Wali ma cada cida ay yihiin khubarada ay UDI-du sheegtay iney howshan xaqiijin doonaan iyo inta qof ay oo ay ka koobanyihiin. Su-aal la isweydiin karo ayaa ah : Maadaama dadka hada sharcigooda magangalyo dib loo qiimeynayo ay Soomaali yihiin, gudigan maku jiri doonaan, dad aqoon buuxdo u leh xaalada amni ee Soomaaliya ay hada ku sugantahay? 

Xigasho/kilde: Vårtland-papiravis( 25-october 2016, side 5)

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x