lørdag, april 20, 2024

Dowlada Norway oo muwaadiniinteeda uga digeyso iney u safraan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Dowlada Norwey ayaa sheegtay iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciga magangalyada 1600 qof oo soomaali ah, maadaama xaalada amaan ee koonfurta iyo bartahama Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho ay soo hagaagtey. Dadkan sharcigooda magangalto dib loo qiimeynayo, ayaa waxaa kamid ah haween iyo caruur aad u yar-yar, qaarkoodna ayba Norway ku dhasheen

Dhanka kale, isla dowlada Norway ayaa muwaadiniinteeda uga digeyso iney u safraan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxeyna kuwa ku sugan halkaas  ugu baaqeysaa iney si deg-deg ah uga baxaan. Digniinta safar ee ku aadan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa soo baxdey bishii labaad ee sanadkii 2013, walina waa mid shaqeyneyso.

Halkan ka fiiri digniinta dowlada Norway ee safarka Soomaaliya.

Wasaarada arimaha dibada ee Norway, qeybteeda qaabilsan socdaalada dibada ayaa xaalada amaan ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya ku tilmaameyso, mid aan aad iyo aad loo hubin(Høyt usikkert).

Halkan ka akhriso qiimeynta guud ee wasaarada arimaha dibada ee Norway

Su-aasha isweydiinta mudan ayaa ah: hadii dowlada Norway ay uga digeyso muwaadiniinteeda iney u safraan Soomaaliya, kuwa joogana ay ku amreyso iney baxaan sababo amni owgood, sidee Soomaaliya ku noqon kartaa meel amni ah oo lagu celiyo dad nabadgalyo ku heysto halkan, kana soo cararey amni xumadaa ay isla dowladu ku tilmaameyso Soomaaliya.

Ma waxaa jirto lama Soomaaliya oo kala duwan, mise dadkaa nafahoodu kala qiimo badanyihiin? 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x