tirsdag, mars 19, 2024

Asad Qaasim: Hadeysan siyaasiyiintu wax ka qaban saboolnimada, yaa kaloo wax ka qabanayo?

Waxaa isbuucii hore warbaahinta Norwey inteeda badan aad looga hadal hayay saboolnimada caruurta ajaaniibta ah oo soomaalidu kamid yihiin. Si gaar ah waxaa loo soo qaadanayay caruurta ka yimid sadex wadan oo kala ah Somalia, Irak iyo Pakistan, maadaama sadexdaas wadan dadka ka yimid ay yihiin kuwo aad u badan tiro ahaan, dumarkoodana aysan badanaa shaqeynin.

Asad Qaasim oo ah macalin soomaali ah, waxna ka dhiga iskuul dugsi sare ah oo kuyaalo magaalada Drammen ayaa maqaal kooban kusoo daabacay wargayska Drammens Tidende, isaga oo sheegay in siyaasiyiinta deegaaskaas aysan qaban shaqadii ooga aadaneyd wax ka qabashada saboolnimada caruurta ajaaniibta ah: 

Shaki kuma jiro in kommunaha Drammen uu dhib weyn ka haysato hoos u dhigista saboolnimada caruurta ajaaniibta ah, laakiin waxaa wax lagu murugooda ah in xitaa hal siyaasi oo kuwa deegaanka ah aysan arintan marnaba ka hadleynin.  Maamulka Kommunuhu ilaa hada ma qaadin talaabooyin muuqdo oo keeni karto in wax laga qabto saboolnimadan ama kor loogu qaado heerka nolosha guud ahaan dadka degan deegaankan.

Hadii ay badato farqiga u dhaxeeyo dabaqadaha bulshada(klasseforskjell), ayna jirto saboolnimo baahsan oo noocan oo kala ah, waxaa iyadna kor u kaceyso amaan xumada iyo kriminalitetka magaalada. Waxayna taas keeni kartaa in magaaladu aysan sii ahaan mid nabad ah oo aan lagu nagaan karo. 

Siyaasiniinta deegaanka sharafta lahow, waxaan ku qasbanahay inaan aan qaadno wadadii saxda ahayd ee dhibtan looga hortagi lahaa. Anaga oo kaashaneyno dhamaan dadka degan magaalada Drammen, waa inaan keenaa xalkii saxda ahaa ee looga bixi lahaa dhibtan haysata dadkeena deegaankan degan.

Waxaa Drammen degan caruur sabool ah, oo tiro ahaan gaarayso 3.000. Kuwaas  oo aan awoodin inay fasax aadaan sida caruurta kale ay sameeyaan, ama aan helin waxyaalaha ay caruurtu helaan ciyaalnimada. Inta badan caruurtan waxay kasoo jeedaan qoysas ajaaniib ah, oo waalidkood aysan shaqeynin. 

Waa in shaqooyin loo abuuraa waalidiinta caruurtan ajaaniibta ah, si ay ilmahooda u siiyaan waxyaalihii ay  saboolnimada-caruurnimo uga bixi lahaayeen. Sababta ugu weyn ee keenta saboolnimada caruurta waa waalidka oo aab shaqaynin, waxaana drammen aad ugu badan dadka soo galootiga ah ee aan shaqo haysan.

Xigasho/kilde: DT: Fattigdommen blant minoriteter i Drammen eksploderer [adsenseyu1]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x