onsdag, mai 1, 2024

Norway oo tarxiileyso ninkii quraanka Gubay: Halis amni oo ka dhan ah danaha qaranka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa warbaahinta soomaalida iyo kuwa dalalka kale ee caalamka muslimka ku faafay war been abuur ah oo sheegayo inuu dhintay, meydkiisana Oslo laga helay Salwan Sabah Matti Momika oo ah nin u dhashay Ciraaq, kaas oo ku caanbaxay gubitaanka quraanka kariimka.

Warkaas ayaa markii danbe beenoobay waxaana soo baxday in Quraan-gubahana uu noolyahay, kuna suganyahay Norway. Sida ay sheegtay hey adda qoxootiga Norway, ninkan ayaa Norway soo galay 28-kii bishii Maarso ee sanadkan, wuxuuna magangalyo ka codsaday hey adda qoxootiga Norway.

Tarxiil ayaa loo diyaariyay:

Sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka Norway, ninkan ayaa isla markii uu Norway soo galeyba waxaa lagu xiro xerada tarxiilka Trandum oo ah meel lagu xareeyo dadka Norway laga musaafurinayo. Norway ayaana go aansatay in ninkan ay dalkeeda ka musaafuriso, una celiso dalka Sweden oo uu Norway kasoo galay.

Dowlada Sweden ayaa Salwan Sabah Matti Momika kala noqotay sharcigii qoxootiga, waxaana ay dowlada Sweden qorsheysay inay dalkeeda ka tarxiisho. Ninkan ayaa isbuucii hore kasoo fakaday dalka Sweden, wuxuuna sheegay in uu magangalyo ka raadsanayo Norway, maadaama ay naftiisu halis ku jirto.

Norway ayaa dhankeeda sheegtay in ninkan ay tarxiileyso kuna celineyso Sweden, sida uu qabo xeerka qoxootiga Dublin-ka oo sheegayo in qofku uu mar kasta xuquuq ku leeyahay dalka koowaad ee faraha ka qaada, magangalyana uu weydiisto.

Hey addaha sirdoonka Norway(PST) ayaa sidoo kale warbixin gaar ah oo ay soo saartay ku sheegtay in ninkan uu halis ku yahay amniga iyo danaha aasiga ee qaranka Norway. Waxeyna hey addadu sheegtay in joogitaanka ninkan ee Norway ay sababi karaan weeraro argagaxiso ka dhaca Norway, iyada oo ninkan dartiis loo beegsanayo Norway.

Xigasho/Kilde: Kjent koranbrenner pågrepet i Norge – skal utvises til Sverige

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x