onsdag, mai 1, 2024

Maxaa ka jira warka ah in ninkii quraanka gubay meydkiisa laga helay Oslo?

48-dii saac ee lasoo dhaafay warbaahinta Soomaalida, kuwa dunida muslimka iyo dalalka Aasiya waxaa aad looga hadalhayay geerida Salwan Momika oo ah nin u dhashay dalka Ciraaq, kaas oo ku caanbaxay gubitaanka kitaabka barakeysan ee quraanka.

Baraha bulshada, gaar ahaan Twitterka iyo Facebooga waxaa si aad ah ugu faafay warga sheegaya in ninkan meydkiisa laga helay magaaladda Oslo, halkaas oo uu yimid isbuucii hore, isaga oo kasoo baxsaday dalka Sweden uu ka ceshatay sharcigii magangalyada, kuna xukuntay tarxiil.

Warkaas wali lama xaqiijin:

Baaritaan aanu ku sameynay warkan, ayaan ku ogaanay in warka ku saabsan geerida ninkan ay tahay mid aan xaqiiqo aheyn(ilaa hada lama xaqiijin). Hey addaha amaanka Norway, gaar ahaan booliska iyo kuwa qaabilsan arrimaha qoxootiga ee PU, ayaan xaqiijin warkaas.

Sidoo kale warbaahinta Norway, marka laga reebo kuwa ay qoraan kooxaha midigta fog, ayaan warkaas waxna ka qorin, taas oo sii adkeyneyso in warkan uu yahay mid aan macluumaad xaqiiqo ah ku dhisneyn(ilaa hada).

Maxaa xaqiiqo ah: Norway ayuu sheegay inuu iska dhiibayo isbuucii hore:

Salwan Momika oo ah nin hore uga tirsanaan jiray miliishiyooyinkii ka dillaacay Ciraaq, aadna wax uga sheegi jiray diinta Islaamka ayaa la soo sheegay in uu isaga cararay dalkii u magangalyada ku joogay.

Ninkaas ayaa magaciisa wuxuu dunida ku baahay markii uu bishii Juun ee sannadkii hore, intii lagu guda jiray ciidul Adxaa, uu kitaabka quraanka dhulka dhigay, uuna ku istaagay, ka hor intii uusan ku guban meel dibadda ka ah masaajidka ugu weyn magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Salwan Momika oo ay is qabteen miliishiyo kale oo ciraaqiyiin ah ayaa u soo cararay Sweden oo uu magangelyo weydiistay 2018, waxayna dawladda Sweden siisay ruqsadda deganaanshaha ee dalkaas 2021.

Ninkaas oo hore u ahaa masiixi ayaa marki dambe doorbiday inuusan wax diin ah qaadan oo uu ahaado mulxid (Diin laawe).

“Waxaan ku sii jeedaa Norway” ayuu yiri Momika oo la hadlayey wargayska Sweden ka soo baxa ee Expressen. “Sweden waxa aqbashaa argagixisada oo kaliya, kuwaasoo la siiyo magangelyo iyo ilaalo, halka dadaka faylasuufiyiinta iyo cabqariyiinta ah la eryo” ayuu sii raaaciyey.

Salwan Momika ayaa waxaa ku socda baaritaan ay ku wadaan maamulayaasha Sweden, waxaana mid ka mid ah sababta uu Sweden uga tegey uu wargayska Expressen ku tilmaamay inay tahay inuu xuddun u ahaa khilaafkii dhex maray Turkiga iyo Sweden ee keenay in Turkigu uu is hortaago in Sweden ay ku biirto NATO.

Maamulayaasha socdaalka ee Sweden ayaa dib ula laabtay rusaddii deganaanshaha ee Sweden bishii Oktoobar, ayagoo sheegay in uu bixiyey xog khaldan markii uu magangalyada codsanayey, haatanna dib loogu celin doono Ciraaq.

Wararka qaar ayaa sheegayey in Ciraaq ay dalbatay in ninkaas dib loogu soo dhoofiyo, waxayna ku eedeeyeen dambiyo ay ka mid yihiin wax is daba marin.

Inkastoo ay Sweden deganaansho siisay ninkaas 2021, misna hadda wuxuu ku joogay dalka deganaansho ku meel gaar ah oo dhacaysa 16 Abriil sida uu qoray wargayska Expressen.

Ma jirto ilaa hadda hadal rasmi ah oo dhinaca Norway oo la xiriira xaqiijinta codsigiisa magangalyo doonka.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x