torsdag, april 25, 2024

Qoyska wiilkii Grønland lagu dilay oo ka falceliyay qaabka ay boolisku u hadleen.

Axadii lasoo dhaafay waxaa magaaladda Oslo lagu dilay wiil dhalinyaro soomaali ah, kaas da’ ahaan jiray 28 sano. Waxaana dilkiisa loo soo qabtay 31-sano jir isna soomaali ah, kaas oo ay boolisku ku eedeynayaan inuu ka danbeeyay dilka.

Booliska Oslo ayaa saacado kooban kadib markii uu dilka dhacay sheegay in ay aqoon u leeyihiin wiilka geeriyooday, iyo ninka loo qabtay dilka. Waxeyna boolisku markii hore sheegeen in wiilka geeriyooday uu xubin ka ahaa koox danbiiley ah, horeyna loogu xukumay danbiyo kala duwan. Sidoo kalena dilka uu noqon karo mid ay sababtay khilaaf dhaxeeyo labo(2) koox oo danbiiley ah.

Booliska ayaa maalmo kadib badal ku sameeyay sharaxaadi hore oo ay bixiyeen, waxeyna sheegeen in ilaa hada baaritaankoodu uusan jirin wax cadeynayo in sababta falka dilka ah ka danbeyso ay tahay khilaaf iyo dagaal ka dhaxeeyo labo(2) koox oo danbiiley ah. Waxeyna boolisku fasiraad su’ aalo badan la iska weydiinayo u keenaan sababtii ku keentay in saacado kadib marka u dilka dhacay, ay durbadiisa u saariyaan khilaaf ka dhaxeeyo labo koox oo gangi ah. Halkan kasii akhri.

Qoyska wiilka la dilay oo ka falceliyay hadalka booliska:

Qoyska wiilka marxuumka ah ee la dilay ayaa si adag uga fal-celiyay qaabka ay boolisku uga hadleen dhacdaddaas. Waxeyna qoysku sheegeen in boolisku ay sawir qaldan oo aan xaqiiqadda ka turjumeyn ay ka bixiyeen wiilkooda geeriyooday, warbaahintana ay warbixin aan sax aheyn galiyeen. Sidaas waxaa wargeyska Aftenposten u sheegay Kaja De Vibe Malling oo ah qareenka qoyska.

Qareenka qoyska ayaa sheegay in sawirka ay boolisku bixiyeen ee ah in wiilka la dilay loo xukumay danbiyo, uusan aheyn mid si sax ah loo gudbiyay. Wuxuuna sheegay in labadda danbi ee wiilka geeriyooday horey loogu xukumay ay ahaayeen kuwo dhacay 6 sano kahor, ayna ahaayeen wax aan xiriir la laheyn koox gaangi ah ama danbiyadda waaweyn ee boolisku ay sheegeen. Qoyska ayaa dhanka kale ka fal-celiyeen in boolisku danbi xili hore dhacay ay la xiriiriyeen dilka saacado uun kadib markii uu dilku dhacay.

Qoyska oo uu qareenku sheegay in ay xaalad adag oo tacsiyeed ay ku jiraan, ayaa ka sidoo kale ka xumaaday in boolisku ay saacado kooban kadib markii uu dilka dhacay ay warbaahinta ka sheegeen in dilku uu xiriir la leeyahay dagaal ka dhaxeeyo kooxo danbiiley ah. Arrintaas oo markii danbe boolisku laftirkoodu ay dib uga noqdeen.

Xigasho/kilde: Politiet beskrev drapsofferet som kriminell. Nå reagerer mannens familie..

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x