torsdag, april 25, 2024

SV iyo Rødt: UDI & UNE waqti ha galiyeen qoxootiga Ukraine, intii ay kiisas hore faagi lahaayeen.

Baarlamaanka Norway ayaa maalinta beri ah codka u qaadi doono mooshin ka yimid xisbiyadda SV iyo Rødt, kuna saabsan in la xadido xiliga qofka heysta jinsiyadda Norway ee ajnabiga ah laga celin karo jinsiyadda.

Mooshinkan ayaa sida muuqato aan ka meelmari doonin baarlamaanka, maadaama uu kasoo horjeedo xisbiga Ap oo ah xisbiga ugu weyn xisbidda muxaafidka ah. Ahna xisbiga hayo kursiga talada dowladda. Halkan kasii akhri.

TV2 ayaa qoray in UDI-du ay xiligan gacanta ku heyso, kana shaqeyneyso kiisaska ilaa 1000 qof oo lagu heysto inay bixiyeen macluumaad aan sax aheyn xiligii ay dalka iska dhiibayeen. Kuwaas oo halis ugu jiro inay lumiyaan jinsiyadda Norway.

UDI & UNE: Waqti ha galiyeen qoxootiga Ukraine, intii ay kiisas hore faagi lahaayeen.

Xisbiyadda SV iyo Rødt oo kamid ah xisbiyadda mucaaradka ah ee bidixda, ayaa dalbanayo in hey’ addaha qoxootiga ee UDI iyo UNE inay waqti galiyaan xalinta qoxootiga kumanaanta ah ee ka imaanayo Ukraine, intii ay faagi lahaayeen ama ay ka shaqeyn lahaayeen kiisas hore .

Tobias Lund Drevland oo katirsan xisbiga Rødt ayaa TV2 u sheegay:

Iyada oo xiligan ay UDI-du heysato howl badan oo ku aadan qaabkii loo qaabili lahaa qoxootiga ka imaanayo Ukraine, ma ahan wax loo baahanyahy in la isku mashquuliyo kiisaskan hore ee ku saabsan dib ugula noqoshada jinsiyadda Norway.

Grete Wold oo katirsan xisbiga SV ayaa dhankeeda TV2 u sheegtay:

Xaaladda hada aan kujirno, oo culeys aad u badan oo shaqana uu saaranyahay hey’ addaha soo galootiga, waxaa haboon inay waqtigooda qaab caqliyeysan ay u isticmaalaan. Waxaana caqli ah inay hakiyaan ka shaqeynta kiisaska la xiriira ula noqoshada.

Xildhibaanaddan katirsan SV iyo Rødt ayaa sheegay inay baarlamaanka hor keeni doonaan mooshin furan oo arrintan ku saabsan. Waxeyna aaminsanyihiin in sharciga jinsiyadda ee la dhaqangaliyay sanadkii 2020 uu yahay mid si adag loo turjumo, sababeyna in dad badan oo sanado badan ku noolaa dalkan laga celiyo jinsiyadda.

Xigasho/kilde: Vi legge over tusen saker på is.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x