torsdag, mars 28, 2024

Mooshin: Ap oo diiday in xiliga kala noqoshada dhalashada Norway la xadido.

Baarlamaanka dalkan Norway ayaa maalinta khamiista ah ee beri codka u qaadi doono mooshin ka yimid xisbiyadda SV iyo Rødt, kuna saabsan in xili xadidan loo sameeyo xiliga qofka ajnabiga ah ee qaatay dhalashada Norway, dib looga celin karo jinsiyadda.

Xisbiga Ap oo horey u sheegay inay ka fakari doonaan arrintan, ayna u furanyihiin inay mooshinkan taageeraan, ayaa sida muuqato beri aan codka siin doonin mooshinka. Waxaa sidaas qoray muuqaal-baahiyaha TV2.

Tobias Lund Dresvland oo katirsan xisbiga Rødt, ayaa sheegay inay aad uga niyad-jabeen in xisbiyadda dowlada ee Ap iyo Sp aysan taageerin mooshinkan.

Grete Wold oo katirsan xisbiga SV ayaa dhankeeda niyad jab ku tilmaantay in xisbiyada dowladu aysan taageerin mooshinkan. Balse waxey sheegtay in arrintaas aysan aheyn wax lala yaabo, maadaama ay sheegtay in dowlada xiligan xilka heysa aysan rabin inay wax isbadal ah ku sameyso siyaasadda qoxootiga iyo soo galootiga.

Labaddan xisbi ayaa aaminsan in sharciga cusub ee jinsiyadda oo dhaqan-galay bishii Janaury ee sanadkii 2020, ay hey’ addaha dowladu u dhaqan-galiyaan si adag. Waxeyna sheegeen in arrintaas wali sababto in dad badan oo Norway ku noolaa sanado badan, ay lumiyaan jinsiyadda dalkan, laguna qasbo inay dalka isaga baxaan.

Dooda ku saabsan sharcigan jinsiyadda Norway ayaa dib usoo bilaabatay, kadib markii ay soo baxday in dad dadan oo Norway kunoolaa 15 iyo ka badan laga celiyay baasaboorka Norway, laguna amray inay dalka isaga baxaan. Maadaama ay hey’ addaha ajaaniibtu sheegeen in dadkaas ay macluumaad qaldan u sheegeen hey’ addaha qoxootiga, markii ay dalka soo galayeen.

Hey’ adda agaasinka soo galootiga, oo sidoo kale qaabilsan arrimaha qoxootiga ayaa xiligan gacanta ku heyso ilaa 1000 kiis oo ku saabsan dad looga shakisanyahay inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed markii ay iska dhiibayeen dalkan Norway.

Xigasho/kilde: Torsdag skal Stortinget stemme over et forslag fra Rødt og SV om å innføre foreldelsesfrist for vedtak om tilbakekall av norsk statsborgerskap.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x