onsdag, mai 1, 2024

Qoxootigii Ukraine kasoo qaxay oo Norway kasii qaxayo: Si fiican nalooma soo dhaweyn -Uma imaan inaan maxbuus noqdo.

Sida uu qoray wargeyska klassekampen oo wareysi la yeeshay, warbixina ka diyaariyay qaar kamid ah qoxootigii reer Ukraine ee Norway soo gaaray, ayaa soo sheegayo in qaar kamid ah qoxootigii Norway yimid ee reer Ukraine ay kasii baxayaan Norway, iyaga oo kusii jeedo dalalka kale ee Yurub.

Qoxootigan ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, balse waxey sheegeen in qaab aan wanaagsaneyn loogula dhaqmay xeradda qoxootiga ee Råde ee duleedka magaalada Moss. Xerada dadkan lagu xareeyay ayaa ah xero qoxooti oo ay dowladu u sameysay in lagu qaabilo qoxootiga Norway soo weydiista magangalyada.

Qaar kamid ah qoxootigan oo wargeyska la hadlay ayaa ka cowday xaalka xerada, gaar ahaan cuntada la siiyo, meelaha cuntadda iyo biyaha laga doonto, biyaha kulul ee xarunta, jood-ariyada lagu seexdo iyo guud ahaan waxyaabaha kale ee aas-aasiga ah, sida xafaayadda caruurta iwm.

Mid kamid ah dadkaas oo wargeyska la hadlay ayaa sheegtay: Inay fileysay in iyada iyo caruurteeda aanan loola dhaqmin sidii inay maxaabiis yihiin oo kale. Wuxuuna wargeysku la kulmay qoxooti sadex maalin ku sugnaa xeradaas oo hada buss usii saaran dalka Sweden, halka qaar kalena ay rabaan inay u gudbaan Denmark oo ay sheegeen inay rajeynayaan inay shaqo iyo meel wanaagsan oo ay degaan ay ka helaan.

Tetyana Bodarenko oo ah madaxa ururka jaaliyada Ukraine ee Norway ayaa sheegtay inay aad uga yaabeen in dowlada Norway ay aad ugu xirantahay in dadka is xilqaamay. Waxeyna sheegtay in Norway aysan u diyaarsaneyn qaabiladaada qoxooti, wax badan oo qaban-qaabadda howsha soo dhaweynta qoxootiga ahna ay ku xiranyihiin xooga dadka is xilqaamay, halkii ay dowladu hogaanka u qaban laheyd.

Qoxootiga ayaa sidoo kale amaanay shaqaalaha xarunta qoxootiga ee lagu soo dhaweeyay, waxeyna sheegeen in shaqaaluhu ay si qalbi-furan oo wanaagsan usoo dhaweeyeen.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xili dowlada Norway ay sheegeyso in dadka ay sugeyso in ilaa 30.000 oo qoxooti reer Ukraine ah ay Norway soo gaaraan. Halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: FLYKTER VIDERE FRA NORGE.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x