onsdag, mai 1, 2024

UDI: 35.000 oo qoxooti ah ayaa Norway imaan karo sanadkan 2022

Hey´adda agaasinka arrimaha qoxootiga iyo soo galootiga Norway ee UDI ayaa sheegtay in sanadkan 2022 ay Norway imaan karaan 35.000 oo qoxooti ah guud ahaan, kuwaas oo 30.000 oo kamid ah ay ka imaan karaan dalka Ukraine. Waxaa intaas sii dheeraan karo dhowr kun oo qoxooti ah, kuwaas oo Norway ay kasoo qaadato xeryaha qoxootiga caalamka.

Wasiiradda cadaaladda Norway Emilie Enger Mehl ayaa sheegtay in dowladu ay fileyso in tiradu ay intaas kasii badnaan karto:

Tani waa qiyaas guud. Dowladu waxey isku diyaarineysaa in tiradu ay intaas kasii badnaan karto. Waa muhiim in hoosta laga xariiqo in xaaladu ay si deg deg ah isku badali karto, ayna ku xirantahay hadba dhinaca ay u dhacdo xaaladda dagaal ee Ukraine. Waxaan hadaba aragnaa in tiradda dadka Norway iska soo dhiibayo ay kor u kacday isbuucyadii ugu danbeeyay.

Wasiiradda shaqada Norway Marte Mjøs Persen ayaa dhanka kale sheegtay in dowladu a hey´adda dib u dajinta qoxootiga ee IMDI ay ka wargalisay in degmooyinka Norway ay sanadkan dib u dajin u sameyn karaa 22.000 qof.

Dowladda ayaa sidoo kale fududeysay in qoxootiga reer Afgaanistan ay iska diiwaangalin karaan meelo badan oo kamid ah dalka, aysana ku qasbaneyn inay iska diiwaangaliyaan xarumaha qaabilaadda qoxootiga. meelaha ay qoxootiga reer Ukraine iska diiwaan-galin karaan, ayaa waxaa kamid ah xarumaha booliska ee deegaano badan oo dalka ah.

Wasiiradda cadaaladda ayaa sheegay in Norway ay isku diyaarineyso xaaladii qoxooti ee ugu weyneyd ee abidka ay la kulanto.

Dowladda Norway ayaa sidoo kale shaley sheegtay inay 5000 oo qoxooti ah ay kasoo qaadan doonto dalka Ukraine.

Xigasho/kilde: UDI med foreløpig scenario for ankomster av ukrainske flyktninger.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x