tirsdag, april 30, 2024

(Akhri) Madaxdan iyo ganacsatadan ayaa kasoo qeybgalayso shirka fursaddaha iyo caqabahadda maalgashi ee Norway ee Soomaaliya.

Magaaladda Oslo waxaa khamiista soo socoto oo bisha Maarso a tahay 24, saacadda 17:30-19:30 ka dhici doono shir muhiim ah oo looga hadlayo fursaddaha iyo caqabaddaha maalgashi ee xiligan ka jira Soomaaliya, iyo sida maalgaliyeyaasha iyo ganacsatadda Norway ay qeyb uga noqon karaan. Goobta uu shirka ka dhacayo ka fiiri macluumaadka hoose.

Wixii macluumaad ah ee shirka ku saabsan ee dheeri ah halkan ka akhri Facebook.

Halkan ka akhri warbixintii ay NorSom News kaqortay shirkan.

Martidan shirkan kasoo qeybgaleyso ayaa waxaa kamid ah:

Vegard Benterud – «Investment Director-Norfund): oo ah madaxa maalgalinta ee sanduuqa maalgalinta dalalka soo koroyo ee Norway, Norfund.

Jon Bøhmer: (Founder and Chairman at Hatchery. Founder of Kyoto Gruppen AS): Madaxa shirkadda Hatchery, ahna aas-aasaha shirkadda Kyoto Gruppen ee ka diiwaan-gashan suuqa saamiyadda Norway.

Mads Uhlin Hansen (CEO – Kube Energy): oo ah madaxa shirkada Kubeenergy oo ah shirkad ka shaqeysa korontada qoraxda laga dhaliyo, kana shaqeysa gudaha Soomaaliya.

Thore-Andre Thorsen: (CEO Yme Foundation)- Oo ah madaxa hey´adda YME oo ceelal badan, xarumo tababar ganacsi iyo iskuulo lagu barto xirfaddaha gacanta ka furtay Soomaaliya.

Hamdi A Mohamed: oo ah aqoonyahannad & Dhaqaale-yahan Soomaali ah oo ka shaqeysa hey´adda SSB iyo Ururka dib u habeynta nidaamka dhaqaale ee aduunka ee Rethinking Economics Norway.

Jonas Tesfu: (CEO Pangea Accelerato): oo ah hey´add ka shaqeyso isku xirka qurbo-joogta iyo shirkaddaha ganacsi ee dalalka woqooyiga Yurub.

Eli Bleie Munkelien & Tron Andre Svanes (Innovasjon Norge, East- Africa office) oo ah u qeybaha ganacsiga ee safaaradda Norway ee Kenya iyo Soomaaliya, sidoo kalena ah madaxa xafiiska hey´adda taageerida ganacsiyadda Norwiijiga ah, qeybteeda bariga Afrika.

Barnaamijka iyo qaabka uu kulankaas u dhacayo, ka fiiri sawirka hoose.

Macluumaadka shirka iyo qaabka lagu imaan karo:

Maalinta uu dhacao: Galabta khamiista ah ee isbuucan( xusuuso isbuucan: 1 maalmood kadib).

Taariikhda: 24-ka Maarso sanadka 2022

Saacadda: 17:00-19:30.

Goobta waa: Schweigaards gate 14, 0185 Oslo. ( Wuxuu hoolku ku dhex yaalaa qeybta danbe ee hoolka maxaddada busaska Oslo ee Oslo Busterminalen, gaar ahaan dhinaca xigo xaafadda Grønland).

Tilmaan: Hadii aad heli weydo goobta uu kuyaalo hoolka uu shirkan ka dhacayo, waxaad dadka weydiin kartaa meesha uu kuyaalo hoolka adam og eva, ama raadi calaamadda hoos ku sawiran.

Hadii aad heli weydo goobta ama aad su´aalo kale ka qabto, la xiriir: 46809007

Barnaamijka iyo magacyadda dadka kasoo qeybgalayo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x