lørdag, april 27, 2024

Wargalin: Shir looga hadlayo fursaddaha iyo caqabaddaha Maalgalinta Norway ee Soomaaliya oo khamiistan Oslo ka dhacayo.

Magaaladda Oslo waxaa khamiista soo socoto oo bisha Maarso a tahay 24, saacadda 17:00-19:00 ka dhici doono shir muhiim ah oo looga hadlayo fursaddaha iyo caqabaddaha maalgashi ee xiligan ka jira Soomaaliya, iyo sida maalgaliyeyaasha iyo ganacsatadda Norway ay qeyb uga noqon karaan. Goobta uu shirka ka dhacayo ka fiiri macluumaadka hoose.

Wixii macluumaad ah ee shirka ku saabsan ee dheeri ah halkan ka akhri Facebook.

Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ah ee noociisa ah, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay ururka Somali Norwegian Strategic Partners( SNSP), waxaana kasoo qeybgalayo madax ka socoto Sanduuqa maalgalinta Norway ee dalalka soo korayo ee Norfund iyo Madax ka socoto xafiiska bariga Afrika ee hey´adda taageerista ganacsiga iyo ganacsatadda ee Innovasjon Norge.

Dadka kale ee shirka lagu casuumay waxaa kamid ah: Ganacsadde iyo maal-galiye Jon Bøhmer oo kamid ah ganacsatadda Norway ee aqoonta u fiican u leh suuqa bariga Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya. Jon waa sidoo kale aas-aasaha shirkadda Kyoto Gruppen ee ka shaqeysa quwadda korontadda ee cadceeda laga dhaliyo, shirkadaas oo dhawaan laga diiwaan-galiyay suuqa saamiyadda Oslo ee Oslo Børs. John ayaa dhawaan kasoo noqday safar indho-indheyn fursado ganacsi ah oo uu ku maray goboladda Soomaaliya qaarkood, gaar ahaan dhanka Somaliland iyo Puntland.

Shirkan aadka uu heerkiisu u sareeyo ayaa waxaa sidoo kale imaan doono, bandhigna ka sameyn doono Thore-Andre Thorsen oo ah madaxa hey´adda Norway laga leeyahay YME Foundation. Hey´adda YME oo horey ceelal biyood tiro badan uga qoday gudaha Soomaaliya, gaar ahaan goboladda dhexe ee Galmudug. Waxeyna dhawaan bilaabeen mashruuc taageero ka helayo bankiga horumarinta dalalka soo korayo ee Germany. Kaas oo ku saabsan in gobolada Soomaaliya qaarkood laga sameeyo xarumo lagu taageerayo ganacsatadda Soomaalida ah iyo dhalinyaradda, si ganacsigeedu uu u noqdo mid leh tayo sarre oo soo jiidan kara maalgalin caalami ah.

Macluumaadka shirka iyo qaabka lagu imaan karo:

Maalinta uu dhacao: Galabta khamiista ah.

Taariikhda: 24-ka Maarso sanadka 2022

Saacadda: 17:00-19:00.

Goobta waa: Schweigaards gate 14, 0185 Oslo. ( Wuxuu hoolku ku dhex yaalaa qeybta danbe ee hoolka maxaddada busaska Oslo ee Oslo Busterminalen, gaar ahaan dhinaca xigo Grønland).

Tilmaan: Hadii aad heli weydo goobta uu kuyaalo hoolka uu shirkan ka dhacayo, waxaad dadka weydiin kartaa meesha uu kuyaalo iskuulka adam og eva akademiet, ama raadi calaamadda hoos ku sawiran.

Hadii aad heli weydo goobta ama aad su´aalo kale ka qabto, la xiriir: 46809007

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x