søndag, mai 19, 2024

W.A. Dibadda Norway: Waxaan balanqaad ka helay Madaxweynaha Somaliland.

Maxkamadda sarre ee Somaliland ayaan aqbalin racfaan ku saabsan xukun dil ah oo maxkamadda Gobolka maroodi-jeex ay ku riday Saad Jidre Hayd oo ah muwaadin Soomaali ah oo heysta dhalashada dalkan Norway.

Saad ayaa loo xukumay fal dhimasho sababay oo gudaha Somaliland ka dhacay sanadkii 2020. Halkan kasii akhri warbixinadii aan kiiskan horey uga qornay.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Anniken Huitfeldt ayaa sheegtay in Norway aad u cambaareyneyso falkaas dilka ah ee lagu xukumay muwaadinka heysta dhalashada Norway.

Wasiiradda ayaa sheegtay inay qadka telefoonka kula hadashay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Uuna madaxweynuhu u balanqaaday in falkaas toogashada aan la fulin doonin.

Wasiiradda ayaa dhanka kale sheegtay in kiiskan uu ahaa mid ay mid si dhow ula socotay dowlada Norway, siyaasad ahaan iyo diblomaasiyad ahaanba.

Xigasho/kilde: Huitfeldt: – Presidenten forsikrer at dødsdommen ikke vil bli fullbyrdet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x