fredag, mai 17, 2024

Labo(2) Siyaasiyiin dhalinyaro soomaali ah oo kamid noqday golaha deegaanka caasimadda Oslo.

Waxaa golaha deegaanka magaalada Oslo kamid noqday (2) siyaasi oo dhalinyaro soomaliyeed ah. Fawzi Cabdirashiid Warsame oo xisbiga shaqaalaha(Ap) katirsan iyo Cabdi Siciid oo xisbiga SV katirsan ayaa soo galay golaha deegaanka Oslo, waxeyna buuxiyeen boosas ay baneeyeen siyaasiyiin xisbiyadooda katirsan oo xilal kale qabtay ama xilka golaha deegaanka ka tagay.

Siyaasiyintan dhalinyarada ah ayaa horey uga qayb galay tartankii loogu soo baxayey golaha deegaanka ee magaalada Oslo, iyaga oo noqday xubnaha codka ugu badan helay marka laga yimaado xubnihii hore ugu guulaystay inay si toos ah uga mid noqdaan golaha deegaanka. Waxeyna labadan(2) siyaasi ee dhalinyaradda ah ahaayeen xil-sugayaal(Vara).

Sidoo kale horey waxaa golaha deegaana Oslo uga mid noqaday labo (2) siyaasiyiin gabdho soomaali ah, kuwaas oo kala ah Ubah Cabdulaahi Aadan iyo Kaafiyo Xaashi Maxamuud oo labuduba(2) katirsan xisbiga shaqaalaha(Halkan kasii akhri). Arrintan ayaan noqonaysa taariikhda markii ugu horaysay ee afar(4) qof oo asal ahaan soomaali ah ay kamid noqdaan xubnaha deegaanka magaalada Oslo ee dalka Norway.

Waxaa kaloo jira dhalinyaro badan oo soomali ah oo iyagana kusoo baxay doorashooyinkiii ugu dambeeyey ee golayaasha deegaanada magaalooyinka kuyaala dalka Norway. Taas oo muujinaysa sida dhalinyarada iyo siyaasiyiinta soomaalidu ugu soo badanayaan siyaasada oo awal hore ay aad ugu yaraayeen ama aysanba kujiri jirinba.

Sidoo kale waxaa sanadkii tagay markii ugu hore Norway kamid noqday aqalka shacab ee baarlamaanka Norway xubin xildhibaan soomaali ah. Maryan Cabdi Xuseen oo katirsan xisbiga SV ayaa sanadkii lasoo dhaafay soo gashay aqalka looga arrimiyo dalkan Norway.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x