fredag, mars 29, 2024

Soomaalida oo ugu danbeyn labo xubnood oo rasmi ah ku yeeshay golaha deegaanka Oslo.

Kaafiyo Xaashi Maxaamuud iyo Ubax Cabdulaahi Aadan ayaa ugu danbeyn si rasmi ah uga mid noqday golaha deegaanka magaalada Oslo, kadib labo sano oo ay ku xigeeno(vara) ka ahaayeen golaha deegaanka Oslo.

Kaafiyo iyo Ubah oo ka wada tirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap, ayaa helay boosas rasmi ah oo katirsan golaha deegaanka, kadib markii ay booska baneeyeen Kamzy Gunaratnam iyo Frode Jacobsen oo labaduba(2) kamid noqday xildhibaano katirsan golaha shacabka Norway.

Ubax Cabdullaahi Aadan ayaa sidoo kale noqotay gudoomiyaha kutlada dhaqanka iyo waxbarashada ee xubnaha xisbiga Ap ku matala golaha deegaanka Oslo. Ap ayaa guud ahaan 12 xubnood ku leh golaha deegaanka Oslo.

Ku biiritaanka Kaafiyo iyo Ubah ee golaha deegaanka Oslo, ayaa ka dhigan in soomaalidu ay ugu danbeyn metalaad rasmi ah ku yeesheen guriga looga arrmayo magaalada Oslo. Waxaana sidoo kale wali ku xigeeno-yaal ah Fawzi Warsame oo katirsan xisbiga Ap, iyo Abdi Said oo katirsan SV.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x