søndag, april 28, 2024

Isniin ayuu isbitaalka dhimirka kasoo baxay-Talaado waxaa dilay booliska Norway

Booliska magaalada Oslo ayaa shaley agagaarka garoonka ciyaaraha ee Bislet ku toogtay nin 33 jir ah oo mindi ku weerararay dhowr qof oo jidka marayay. Ninkan ayaa sidoo kale isku dayay inuu furto baabuurka booliska, kahor inta aysan ku dhufan lix(6) xabadood oo uu markii danbe u geeriyooday ku dhufan boolisku.

Waxaa markii danbe cadaatay in ninka ay boolisku dileen uu ahaa qof maskax ahaan u xanuunsan, kaas oo horey loogu xukumay danbiyo la xiriiro inuu mindi ku dhaawacay dad kale. Waxaana sanadkii 2020 lagu xukumay in lagu hayo xarunta dhimirka, kadib markii uu mindi dhabarka ka galiyay qof kale. Halkan kasii akhri.

Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ninkan uu fasax kaga soo baxay goobtii uu ku xareysnaa ee isbitaalka dhimirka maalintii isniinta aheyd ee isbuucan. 24 saacadood uu kahor marka ay boolisku ku dileen meel aan wax badan ka dheereyn guriga uu ku noolaa.

Jeejniyaan 33 sano jir ah oo barnevernku ay koriyeen.

Sida ay qoreen warbaahinta qaarkeed ninka shaley ay boolisku dileen ayaa ahaa nin asal ahaan kasoo jeedo dalka Jeejniya, balse heysta dhalashada Ruushka. Norweyna soo galay isaga oo caruur ah. Waxaana la sheegay in ninkan ay soo koriyeen hey´adda xanaanada caruurta Norway, uuna kusoo koray guriga qoys Norwiiji ah, maadaama waalidkii ay ku geeriyoodeen dagaalo u dhaxeeyay Jeejniya iyo ciidanka Ruushka. Uuna Norway soo galay isaga oo caruur ah.

Sida ay sheegeen saaxiibada ninkan oo shaley xus ugu sameeyay goobtii lagu dilay, wuxuu sanooyinkii ugu danbeeyay la il darnaa xanuun dhimirka ah, iyo adeegsiga maandooriye. Saaxiibadiis ayaa sheegay in ninkan uu ahaa qof ay ka muuqatay inuu la ildaranyahay xanuun dhimirka ah, iyo adeegsiga maandooriye.

Xigasho/kilde: 33-åringen som ble drept av politiet: Ba flere ganger om hjelp.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x