søndag, april 28, 2024

Kumuu ahaa ninkii ay maanta boolisku ku dileen magaalada Oslo?

Booliska Oslo ayaa maanta xaafada Bislet ee magaalada Oslo ku dilay nin sodomeeyo(30) jir ah oo ay boolisku sheegeen inuu mindi ku weerari rabay dad kale.

Ninkan oo isaga dhaawac ah la geeyay isbitaalka, ayaa markii danbe u geeriyooday dhaawacyadii kasoo gaaray xabaddaha ay boolisku ku dhufteen.

Horey ayaa isku dey dil loogu xukumay:

Sida uu qoray wargeyska VG ninkan oo asal ahaan u dhashay dalka Ruushka ayaa sanadkii 2019 fal isku dey dil ah oo mindi loo adeegsaday ka geystay gudaha magaalada Oslo. Isaga oo xiligaas qof mindi ka galiyay dhabarka, Waxaana sanadkii lasoo dhaafay ee 2020 lagu xukumay in lagu hayo goobaha lagu xabiso dadka maskax ahaan xanuunsan ee danbiyada halista ah geysto.

Isla ninkan ayaa sidoo kale sanadkii 2017 iyo waliba falal gacan ka hadal oo loo xukumay ka geystay gudaha magaalada Oslo.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in ninkan uu yahay qof ay horey u yaqaaneen, balse aysan wali faahfaahin dheeri ah ka bixin karin kiiskan oo ay wadaan baaritaanadda hordhaca ah.

Xigasho/kilde: Død knivmann skal også tidligere ha truet politiet med kniv.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x