tirsdag, april 30, 2024

Booliska Oslo oo kiis baaritaan ah ku furay xildhibaano katirsan baarlamaanka Norway

Xafiiska xeer ilaalinta Oslo ayaa booliska magaalada ka dalbaday inay kiis baaritaan ah ku furaan xildhibaano katirsan baarlamanka Norway, kuwaas oo ay kusoo baxday inay sifo aan sharci aheyn ay ku degenaayeen guryaha uu bixiyo baarlamaanka Norway ee loogu tala-galay xildhibaanada baarlamaanka kasoo gala deegaan-doorashooyinka Oslo ka baxsan.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay in ilaa hada aysan jirin xubno katirsan baarlamaanka oo eedeysanayaal ah, balse ay boolisku soo baari doonaan in xildhibaanadaas ay jabiyeen sharciga, laguna soo oogi kara dacwad la xiriirta arrintaas, iyo in kale.

Jimcihii waxaa xilkeeda iska casilay gudoomiyihii baarlamaanka Norway oo kamid ah dadka ay kusoo baxday fadeexada la xiriirta inay sifo aan sharci aheyn ku degenaayeen guryaha dowlada, iyada oo macluumaad aan sax aheyn u gudbisay baarlamaanka. Halkan kasii akhri.

Sidoo kale waxaa isla fadeexadaas oo kale xilkiisii ku waayay gudoomiyihii hore ee xisbiga Krf, ahaana wasiirkii diimaha iyo qoyska.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x