tirsdag, april 30, 2024

Gudoomiyihii baarlamaanka Norway oo caawa fiidkii xilka iska casishay.

Eva Kristin Hansen oo katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap, aheydna gudoomiyihii baarlamaanka dalkan Norway ayaa caawa fiidkii iska casishay xilkii gudoomiye-nimo ee baarlamaanka, kadib markii ay soo baxday in sanado kahor ay si qalad ah ku degeneyd guryaha la siiyo xubnaha baarlamaanka.

Wakaalada wararka Norway ee NTB ayaa qortay in Eva ay shaqsi ahaan codsatay inay xilkaas firaaqeyso, maadaama maalmihii ugu danbeeyay ay baarlamaanka Norway hareysay dood xoogan ku saabsan in xilkaas ay sii heyn karto iyo inkale.

Xildhibaanadan ayaa waxaa kusoo baxday fadeexad ah in sifo aan sharci aheyn ay ku degeneyd guryaha ay lacagtooda bixiyaan baarlamaanka Norway, iyada oo aan buuxin shuruudihii guryahaas lagu degenaan karay. Waxeyna qiratay inay qaladkaas sameysay, ayna sabab u aheyd in si fiican aysan u fahmin xeerka baarlamaanka ee arintaas ka hadlaya.

Isla wadadan oo kale waxaa 2 bilood kahor ku baxay, xilkiisii gudoomiyenimo ku waayay gudoomihii hore ee xisbiga Krf, kjell ingolf Ropstad.

Xigasho/kilde: Stortingspresident Eva Kristin Hansen trekker seg.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x