fredag, april 26, 2024

Oslo: Wiil dhalinyaro soomaali oo xalay lagu dhaawacay xaafada Stovner.

Agagaarka Senterka xaafada Stovner ee magaalada Oslo, waxaa xalay lagu dhaawacay wiil dhalinyaro oo boolisku ay sheegeen in dhaawiciisu uusan aheyn mid aad u daran. Falka lagu dhaawacay wiilka dhibanaha ah, ayaa ka dhacay wado caan ah oo kutaal xaafada Stovner, balse booliska ayaan ilaa hada ku guuleysan inay qof usoo qabtaan falkaas dhacay..

Booliska magaalada Oslo oo saxaafadda la hadlay ayaa xalay saqdii dhexe sheegay in wiilka la dhaawacay uu miyir qabo, xaaladiisuna ay meel wanaagsan mareyso. Waxeyna sheegeen inay isla xaleyba wareysi ka qaadeen wiilka dhalinyarada ah ee la dhaawacay.

Baaritaano xoogan ayay xaley boolisku ka wadeen xaafada Stovner iyo xaafaddaha ku hareereysan, iyaga oo diiday inay wax faah-faahin ah ka bixiyaan falka lagu dhaawacay wiilka iyo sababta ka danbeyso.

Sida aan ka xaqiiqsanay ilo xog ogaal ah, wiilka xalay la dhaawacay ayaa ah wiil dhalinyaro soomaali ah oo da´diisu aysan 20 gaarin. Wuxuuna falkan noqonayaa kii labaad ee mudo bil gudaheed ah magaalada Oslo lagu waxyeelo wiil soomaali ah oo dhalinyaro ah, maadaama sadex isbuuc kahor xaafada Mortensrud lagu dilay Xamse Xaashi Aadan oo ahaa 20 jir soomaali ah(halkan kasii akhri).

Xigasho/kilde: Stovner-skytingen: Fornærmet tenåring utenfor livsfare.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x