fredag, april 19, 2024

Xaqa codbixinta iyo su´aalihii gabdhaheyga: Aabe ma codaysay?

W.Q: Nabadoon Maxamed Bashiir Hønefoss.

Aabbe ma codaysay? Waa su,aal ay hal mar la soo boodeen labo(2) gabdhood oo aan dhalay oo ila socday mar aan gelaynay dukaan cunto, agtiisana uu oollaa konteenarkii cod bixinta. Si kaftan ah ayaan u iri maya ma codaynayo ee i dhaafa, kolkaas ayay labadiiba yiraahdeen, maya aabbo maaha sidaa waa inaad codkaaga dhiibtaa. Kadib ayay midi ii sii raacisay waan ogahay waad codaynaysaa ee orod oo codkaaga dhiibo, annaga ayaa alaabtii sii gadayna e.

Waxaa qorshahaygu ahaa inaan isbuuca danbe dambe codeeyo, laakiin si aan u tuso iyaga naftooda inaan diyaar ahay ayaan ku iri haye, kontaynarkii codbixinta ayaanna ku leexday. Salaan ka dibna codkaygii u dhiibtay si hufan oo aan kalsooni ku dareemay.

Maxaa codaynta laga faaidayaa?

Xaqa codaynta oo aan leeyahay ayaan ka faa´iidaystay codkaygana dhiibtay aniga oo aan wax cabsi ah igu jirin, waxaanna ka faaidayaa ama qof waliba ka faaidayaa in go´aanka naftiisa wax ku yeesho, isbedelkana ku lug yeesho.

Waa wax aanan illaawi doonin in aan codka dhiibtay aniga oo keli ah lana ogayn qofka aan u codeeyey.

Walaal ka faaidayso xaqa aad u leedahay codaynta, codkaagu yuu ku ciilin ee dhiibo si aad u noqoto qof saamayn ku leh noloshiisa. Waa fursad qaali ah oo wax ka bedeli karta hannaanka siyaaaadda, haddii codkaaga iyo kayga la isku darana waxaan noqon karnaa bulsho wax ku leh jaangooyada siyaasadda Norway.

Doorashada ka dib ayaa ogaanaysaa cidda la dhageystay oo warkoodii la maqlay ama cida laga codbatay. ogow waa kuwii codeeyey oo keli ah ayaa codkooga la maqlaa oo uu wax u gooyaa.

Hadaba ha noqon qof aan wax laga weydiin majaraha noloshiisa iyo tan bulshadiisaba, sidaa darteed waxaan ku leeyahay Codkaaga dhiibo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x