Wasaaradda arrimaha dibadda Norway oo shaley la shirtay jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway.

0
253

Magaalada Oslo waxaa shaley ka dhacay kulan aad u balaaran oo dhexmaray jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway, iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkan Norway. Kulanka oo ay si wadajir usoo wada qaban-qaabiyeen ururka Somali Norwegian Strategic Partners(Riix sawirka) iyo wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa looga hadlay siyaasadda iyo istiraatiijiyada cusub ee Norway ay u dajisay Soomaaliya, iyo doorka ay Soomaalida Norway ka qaadan karaan shaqooyinka horumarineed ee Norway ay ka wado Soomaaliya.

Waxaa kulanka kasoo qeybgalay masuuliyiin culeys diblomaasiyadeed leh oo ay kamid ahaayeen Gunnar Holm safiirka ay Norway u dhawaan u magacowday Soomaaliya, Thorbjørn Gaustadsæther oo ah madaxa qeybta arrrimaha Geeska Afrika ee ee wasaaradda arrimaha Norway, Heidi Johansen oo ah ergeyga gaarka ah ee dowlada Norway u qaabilsan Soomaaliya iyo Haakon Svane oo ah madaxa xafiiska safaaradda Norway ay dhawaan ka furan doonto magaalada Muqdisho.

Guruubka ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa soo bandhigay qaabka ay u shaqeeyaan iyo meelaha ay ahmiyada siiyaan marka ay ka shaqeynayaan gudaha Soomaaliya. Sidoo kalena sababaha ay Norway u xiiseyneyso arrimaha Soomaaliya, iyo qaabka ay rabaan inay wada-shaqeyn u dhexmarto jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway oo kuwaas sida ay sheegeen masuuliyiinta shirka yimid door weyn ka ciyaari kara isku xirka labadda dal iyo kaqeyb noqoshada arrimaha horumarinta ah ee Norway ay wado Soomaaliya.

Soomaalida kulanka ka qeybgashay ayaa dhankooda soo bandhigay fikirkooda ku aadan qaabka ay Soomaalida kunool Norway ay qeyb uga mid noqon karaan howlaha ay wasaaradda arrimaha dibadda Norway, sidoo kalena ay saameyn ugu yeelan karaa siyaasadda arrimaha dibadda Norway ee ku wajahan Soomaaliya.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments