Booliska: Waxaan baareynaa in cunsuriyad darteed uu ninka la qabtay u dhaawacay Labada(2) wiil.

0
191
Foto: Politiet

Nin cadaan ah ayaa shaley ay boolisku qabteen, kadib markii labo wiil oo ajnabi ah lagu dhaawacy gudaha T-bane ka dhex shaqeeyo magaalad a Oslo. Falkan ayaa xalay fiidkii ka dhacay boosteejada T-bane ka ee Skøyenåsen.

Labada wiil ee ajaaniibta ah ee la dhaawacay ayaa da´ahaan kala jira 18 iyo 20 sano. Waxaa dhaawacyadooda oo halis ah lagu dabiibayaa isbitaalka magaalada Oslo, sida ay boolisku sheegeen.

Booliska ayaa dhanka kale xaqiijiyay in wax xiriir ah ama aqoon hore uusan ka dhaxeyn ninka falkaas loo qabtay iyo wiilasha la dhaawacay. Waxeyna boolisku sheegeen inay baarayaan in falkan uu xiriir la leeyahay cunsurinimo.

Booliska ayaa dadweynaha ka codsanayo inay xiriir lasoo sameeyaan, hadii ay jiraan dad macluumaad ka hayo dhacdadan.

Xigasho/kilde: Politiet undersøker om skyting i Oslo var rasistisk motivert

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments