Trondheim: 10 mar ayay sababtan boolisku istaajiyeen danbi la´aan: Inuu African yahay

0
129

Booliska gobolka Trøndelag ayaa lagu helay eedeyn ah inay faquuq iyo cunsurino u geysteen nin asal ahaan African ah, oo booliska magaalada Trondheim ay 10 mar istaajiyeen, isaga oo aan geysan wax danbi ah. Waxaana sidaas sheegay gudiga faquuqa iyo cunsurinimada( Diskriminerings-nemnda).

Booliska ayaa 5 sano gudahood istaajiyay ninkan, waxey weydiiyeen su´aalo, iyaga oo mararka qaarkoodna ku sameeyay baaritaan. Sida lagu sheegay warbixinta gudiga, ninkan ayaa tobanka mar ee la istaajiyayba, aan geysan wax danbi ah oo muuqdo, ama aysan jirin sabab loo qaateen ah oo ay boolisku u istaajijin kareen.

Gudiga ayaa sheegay in sababta ninkan loo istaajiyay ay aheyd asalkiisa iyo muuqaalkiisa, maadaama uu yahay nin asal ahaan African ah. Booliska ayaa warqad ay ninkan u qoreen ku sheegay in sababta loo istaajiyay ay aheyd mid la xiriirta dhalashadiisa iyo muuqaalkiisa.

Gudiga faquuqa ayaa booliska gobolka Trøndelag ku helay danbiga lagu eedeeyay ee ah inay ninkan ku sameeyeen faquuq iyo soocitaan, iyada oo lagu beegsanayo asalkiisa iyo muuqaalkiisa African-nimada ah.

Arrinta kale ee booliska lagu eedeeyay ayaa ah inay diiwaan-galiyaan sadex(3) tobanka(10) mar oo ay ninkan istaajiyeen, halka ay qariyeen ama aysan diiwaangalin tobodo(7) mar oo ay ninkan si sharci ah u istaajiyeen.

Madaxa booliska gobolka Trøndelag Nils Kristian Moe ayaa raali galin ka bixiyay dhacdadaas, wuxuuna sheegay in ka taliye ahaan ay shaqadiisu tahay sidii uu uga hortagi lahaa in dhacdooyin noocan oo kale ah ay boolisku ku kacaan. Wuxuuna sheegay in qofna aan lagu beegsan karin midabkiisa, dhalashadiisa ama muuqaalkiisa, wuxuuna raali-galin ka bixiyay qaladkaas ay boolisku kula kaceen ninkan Africa kasoo jeedo.

Xigasho/kilde: Politiet i Trondheim har diskriminert en innbygger på grunn av etnisitet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments