onsdag, april 24, 2024

SV: Talaalka AstraZeneca wadamo kale haloogu deeqo.

Dalkan Norway waxaa ka socoto dood ku saabsan in dowladu ay dib u bilowdo adeegsiga talaalka AstraZeneca oo hada ay dowladu si kumeel gaar ah u istaajisay adeegsigiisa, iyo in la joojiyo gabi ahaanba. Go´aanka hakinta adeegsiga talaalkaa ayaa yimid, kadib markii ay soo baxday in sadex qof oo talaalka qaatay ay u dhinteen dhiig-xinjirow, halka tobanaan qof oo kale ay calaamado noocaas oo kale ah isku arkeen.

Hey´adda FHI ayaa soo jeedisay in la joojiyo adeegsiga talaalka FHI, halka dowladu ay sheegtay in wali aan la heynin cadeyn sax ah oo go´aan talaalkaas lagu joojiyo lagu qaadan karo. Halkan kasii akhri

Norway ayaa xiligan soo iibsatay ilaa 180.00 irbadood oo talaalka AstraZeneca ah, balse aan la adeegsan. Arrinta xasaasiga ah, ayaa ah in inta badan irbadaha talaalkaas Norway u keydsan ay dhici doonaan(xumaan doonaan) kahor inta aan la gaarin 30-ka bisha Juun, halka qaarna ay dhici doonaan 30-ka bisha Luulyo.

Irbadaha AstraZeneca dalal kale aan ugu deeqno:

Nicholas Wilkinson oo ah afhayeenka arrimaha caafimaadka ee xisbiga SV, ayaa wargeyska Dagbladet u sheegay in hadii ay Norway go´aansato inaan la adeegsan talaalka AstraZeneca ee dowlada u keydsan, ay dowladu talaalkaas ugu deeqdo dalalka kale aan baahida aadka u weyn u qabo.

Wuxuuna sheegay raaciyay in hadii Norway aysan talaalkaas adeegsan, ay fiicantahay in lagu wareejiyo dalalka kale ee u baahan, intii la tuuri(daadin) lahaa. Wuxuuna soo jeediyay in talaalkaas lagu wareejiyo barnaamijka talaal qeybinta talalka soo koroyo ee Covax.

Wasiirka caafimaadka: Hala gaaro

Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie oo su´aal laga weydiiyay arrintaas ayaa sheegay in ilaa hada aan go´aan laga gaarin adeegsiga talaalkaas. Sidaas darteed ay su´aashaas imaan doonto, marka ay Norway go´aansato in talaalkaas ay joojiso adeegsigiisa iyo inkale.

Xigasho/kilde: Vil gi bort vaksinene til utlandet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x