torsdag, mars 28, 2024

Ramadaan aan caadi ahayn: Saameynta feyruska korona iyo soonka.

Malaayiin qof oo muslimiin ah oo dunida daafaheeda ku kala nool, ayaa ku jira gudashada waajibaadka soonka bisha barakeysan ee Ramadaan. Qorsheyaasha sanadlaha ah ee qofka muslimka ah u degan bisha soon, ayaa isugu jira caadoyin kala duwan oo la xiriira isu imaatanka qoysaska, farax gelinta carruurta iyo diyaar garow la xiriira gudashada cibaadooyinka soonka iyo salaadaha bisha Ramadaan.

Muslimiinta wadanka Norwey waxay bisha Ramadaan u bilaabatay iyada oo weli caabuqa korona uu bulshooyinks dalkan kunool wali ku hayo culeysyo badan. Waxaa caadi ahaan dhaqan ahaan jirtay in muslimiinta ay bisha Ramadan weyneyaan oo ay isla afuraan, xiliyada habeenkiina ah ay cibaado ku isugu imaadaan, gaar ahaan salaada taraawiixda.

 Soonka sandkan ayaa noqonaya mid aan caadi aheyn, sababo la xiriira caabuqa korona. Asbuucan ayaa waxaa la soo bandhigay qorsha dib u furista bulshada ka dib muddo dhowr asbuuc oo xayiiraad adag lagu jiray. Qorshahan ayaa ka kooban seddex marxalo oo si xakameysan qeybaha bulshada kala duwan loogu fududeynaayo xayiraadaha xiligan jira.

Bisha Ramadan ayaa waxay bilaabaneysa iyadoo lagu jiro marxalada uga horeysa. Marxaladan ayaa weli lagu jiraa xiyiraad adag oo ka kooban tallabooyinki ay soo rogtay xumuukada fasaxa booskaha (påske) ka dib. Waxaa xaddidan caddadka daka isugu imaan kara guriyaha gaar ah iyo goobaha cibaadada. Filashada dadka ka qeyb qaadanaya dhaq dhaqaaqyada bisha barakeysan ayaa u muuqata inay la jaan qaadi karin xayiraada taaga.

Iyadoo xaaladdu caabuqa had iyo jeer ay is badeleyso, ayaa muslimiin badan ka welwel sanyihiin saameynta culeysyada caabuqu uu ku yeelan karo gudashada cibaadooyinka iyo farxaddii lagu yaqaaney bisha Ramadaan. Ramadan waxaa lagu yaqaana in xiriir wanaagsan ay ka muuqato bulshada, isdhexgalka iyo is booqashada asxaabta iyo ehellada. Astaamaha uga muhimsan bisha Ramadan ayaa ka mid ah naxariis iyo damqasho la isku muujiyo. Gacmaha ayaa laiska salaamaa ama hab aya laisa siiyss marka asxaabta kulmaan farxad daraadeed iyadoo caweyska asxaabta oo aad loo xiiseeyo.  Arimahan suurta gal maaha waxaana laga yaaba inay keento in farxada iyo reynreynta la xiriira bisha Ramadan ay yeraato, dad badanna niya jab ay ku noqoto

Waxaa walaac badan laga muujinaya ehellada iyo qaraabada  oon isbooqan karin ama isla afuri karin. Dadka keligood nool ayaa aad u dareemi doona keli ahaansho, hilow iyo walaac.

Hadaba maxaa nala gudboon insan sameyno si aan u yereenay sameynta xun, farxadana u badino bishan barakeysan? Waxaa muhim ah inan maskax iyo damiir ahaan isu diyaarino oo wacyi xaadir ah aan lahaano. Xaaladdu way adagtahay. Waxaan shaki ku jirin in dad badan ay walaac iyo cabsi ka qabaan soonka xaalada noocan ah lagu gudanaayo. In kastoo wacyi gelin badan ay socoto, hadana waxaa jira dad dareemayo faraaqo iyo culeys. Dadkaas ayaa u baahan damqasho iyo fahan xaaladooda. Waxaa muhim ah xaalada inay adagtahy inan isla garano, dadkuna isku mid maahan. Dhibrinaansho iyo damqasho in loo muujiya dadka dhibaateysan waa arin ka mid ah duruusta bisha Ramadan.

Waxaa sidoo kale muhim ah inan raacno talooyinka iyo shuruudaha ay u dejisay xukuumada marxala kasta. In kastoo xaaladau ay nagu adagtahay, hadana waxan ka mid nahay bulsho weynta, waajibna wuu naga saaranyahay inan ilaalino xeerarka dalka. Muslimiinta meel kasta ay ku noolyihiin waxaan u rajaynayna Ramadan barakeysan iyo guul aduun iyo aakhiraba.

W.Q: Qaasim Maxamed Aadan: Gudoomiyaha ururka Tusmo Association.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x