Masaajid 50.000 lagu ganaaxay Corona dartiis.

0
181

Maamulka gobolka Västra Götaland ayaa 50.000 oo lacagta Sweden ah ku ganaaxay masaajid kuyaal magaalada Gotoberg, kadib markii lagu helay danbi ah inay masaajidka isugu imaadeen dad ka badan tirada ay dowladu ogoleyd inay hal goob oo xiran ku kulmi karaan.

Sida ay soo tabisay idaacada Sweden, qeybteeda soomaaliga, waxaa sagaalkii bishan April salaada jimcaha masaajidkaas isugu yimid dad ka badan 50 qof, tiradaas oo ka badan tirada ay dowladu ogoleyd inay isku imaan karaan. Maamulka gobolka ayaa masaajidkaas ku eedeeyay inay sameeyeen arrin sharciga kasoo horjeedo oo sababi kartay in xanuunkla covid-19 uu faafo.

Dhacdadan ayaa noqoneyso markii ugu horeysay oo goob cibaado ama masaajid ah lagu ganaaxo lacag, iyaga oo lagu eedeynayo jabinta xeerarka xakameynta faafitaanka Corona.

Lotta Sahlin oo katirsan maamulka gobolka ayaa sheegtay inay marka hore wadahadal la yeesheen maamulka masaajidka, ayna siiyeen digniin ku aadan inaysan isku imaan karin dad ka badan inta uu sharcigu ogolyahay. Waxeyna sheegtay in masaajidku uu wali sii waday abaabulka salaadaha, iyada oo lagala hadlay arrintaas, digniina la siiyay. sidaas darteed ayay sheegtay in gobolku ay ku ganaaxeen 50.000, iyada oo raacisay in mar walba oo ay abaabulaan isku imaatin dad ka badan inta la ogolyahay, ay ganaaxaas mid lamid ah muteysan doonaa.

Maamulka gobolka ayaa dhanka kale sheegay in inta badan masaajidadu ay yihiin kuwo u hogaansan sharciyada iyo xeerarka coroba, arrintana ay tahay mid dhif ah oo aan horey u dhicin.

Xigasho/kilde: Sveriges Radio

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments