fredag, mars 29, 2024

Kiiskii Mahad Abiib oo hadana waji cusub yeeshay: Qareenkiisa-Kiiska waa in dib loo furo.

Muuqaal baahiyaha TV2 ee dalkan Norway ayaa maanta soo daabacay xog cusub oo waji cusub u yeeli karto kiiska Mahad Abiib, muwaadin soomaali ah oo dowlada Norway ay ka ceshatay baasaboorka, kadib markii lagu eedeeyay inuu ahaa Jabuutiyaan isku dhiibay inuu Soomaaliya kasoo jeedo.

Mahad oo ahaa sheybaariiste( bioingeniør) ayaa dalkan Norway ku noolaa 17 sano, kahor inta aysan hey´adda qoxootiga Norway ee UDI-du ay ku eedeyn inuu ka been-sheegay macluumaadkiisa shaqsiyeed, markii uu magangalyada codsanayay. Waxaana ay UDI-du sheegtay inay u badantahay in Mahad uu kasoo jeedo dalka Jabuuti ee Soomaaliya dariska la ah.

Mahad ayaa dhankiisa soo bandhigay cadeymo tiro badan oo muujinaya inuu Soomaaliya kasoo jeedo, waxaana la cadeeyay in Mahad aabihii uu katirsanaa saraakiishii ciidamada cirka ee dowladii Soomaaliya. Sidoo kale taliyihi ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee 2017, General Maxamed Aadan iyo gudoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa labaduba cadeeyay inay aqoon u leeyihiin qoyska abiib oo reer Soomaaliya ah.

Balse maxkamada Oslo ayaan rumeysan cadeymaha lasoo bandhigay, waxeyna kiiska u xukuntay hey´adda qoxootiga Norway ee UDI-da oo go´aamisay in Mahad laga celiyo dhalashadii Norway, uuna ka baxo Norway.

FBI iyo sirdoonka Canada:

TV2 ayaa horey u qoray in booliska Norway ay codsi u dirsadeen FBI-da Mareykanka iyo sirdoonka Canada, si looga caawiyo xaqiijinta macluumaadka qoys reer Jabuuti ah oo UDI-du ay tuhunsanyihiin inay yihiin qoyska Mahad Abiib. Halkan kasii akhri

Warbixinta ay diyaariyeen hey´addaha sirdoonka dalalkaas, una soo gudbiyeen booliska Norway ayaa lagu sheegay in qoyskaas uu ka koobnaa afar wiil oo walaalo ah, kan ugu yarna oo loo maleyn karo inuu yahay Mahad. Sida lagu sheegay warbixintaas, ninkaas ayaa da´ahaan jiro qiyaasta da´da Mahad Abiib, wuxuuna la dhashay nin ay booliska Norway horey u sheegeen inuu walaal la yahay mahad.

Laakiin qareenka Mahad Abiib ayaa dhankiisa sheegay in ninkaas ay boolisku tuhmayaan inuu yahay Mahad, uu ahaa nin reer Jabuuti ah oo geeriyooday sanadkii 2016. Wuxuuna keenay cadeynta geerida qofkaas, oo uu diiwaangaliyay isbitaalka xaafada Balbala ee magaalada caasimada dalka Jabuuti ee DJabuuti. Isaga oo sidoo kale sheegay inuu hayo numberka qabriga uu ku aasanyahay qofkaas, iyo cadeymo kale oo muujinayo in qofkaas uusan Mahad aheyn.

Arild Humlen ayaa hada dalbanayo in dib loo furo kiiskii maxkamada Mahad Abiib, maadaama sida uu sheegay ay meesha ka baxday cadeyntii ugu weyneyd oo ay boolisku hor keeneen maxkamada, markii ay dhageysaneysa dacwada kiiska ka dhanka ah Abiib.

Qareenka Abiib ayaa dhanka kale dalbanayo in baaritaan cusub lagu sameeyo kiiska,iyada oo la tixgalinayo macluumaadka cusub ee la helay. Wuxuuna sheegay in boolisku ay dib furaan baaritaanka kiiska, lana baaro cadeymaha cusub ee soo baxay. Wuxuuna sheegay in hadii cadeymaha cusub ee la helay, ay run yihiin, uu markaas meesha ka baxayo guud ahaan xukunkii maxkamada ee Mahad Abiib, dibna loogu soo celiyo dhalashadiisa Norway.

Sida uu TV2 qoray, Mahad ayaa xiligan kunool dalka Faransiiska oo uu magangalyo ka codsaday.

Xigasho/kilde: Nye opplysninger kan snu saken: Personen politiet påstod var Mahad, døde i 2016.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x