Dowlada iyo FHI oo isku khilaafsan joojinta adeegsiga talaalka AstraZeneca

0
402
Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie. Foto: Eirin Larsen, SMK

Hey´adda qaabilsan caafimaadka dadweynaha ee FHI, ayaa warbixin ay soo saartay maanta kusoo jeedisay in la joojiyo adeegsiga talaalka AstraZeneca, balse wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in ilaa hada aan la heynin dood cadeymo adag oo ku fadhido talaalkaas loo joojiyio. Wuxuuna wasiirku sheegay in dowladu aysan qaadan doonin talada hey´adda FHI, ilaa amar danbe.

FHI ayaa ku talisay in la joojiyo adeegsiga talaalka Corona, maadaama qaar kamid ah dadka qaatay lagu arkay calaamado waaweyn oo halis caafimaad qofka u keeni kara. Sadex qof oo talaalkan qaatay ayaa horey ugu dhintay dhiig-xinjirow, halka tobanaan dad ah oo kalena ay isku arkeen calaamado halis ah sida dhiig-xinjorow naadir ah(horey aan loo arkin) iyo dhiig-furan gudaha jirka ah. Halkan ka daawo wareysi aan horey ula yeelanay agaasimaha hey´adda FHI-da Norway.

Wasiirka caafimaadka Bent Høie ayaa dhankiisa aaminsan, in dowladu ay u baahantahay waqti dheeri ah oo talaalkan ku qiimeyso. Wuxuuna sheegay in jawaabaha kasoo baxay baaritaanada la qaaday, aan ilaa hada lagu qaadan karin wax go´aan ah. Wuxuuna wasiirku sheegay in ilaa hada aan talaalkaas laga saari doonin qorshaha talaalka Norway.

Denmark ayaa maanta noqotay dalkii ugu horeeyay ee Yurub ah ee joojiyo adeegsiga talaalka AstraZeneca.

Hey´adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa dhankeeda aaminsan in faa´dooyinka talaalka AstraZeneca ay ka badanyihiin khasaaraha uu keeni karo.

Xigasho/kilde: Skjebnedag for AstraZeneca-vaksinen i Norge: Blir ikke tatt ut av vaksineprogrammet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments