iskuulada Oslo iyo xarumaha xanaanada oo ay dhici karto in mar kale la xiro Corona awgiis.

0
89
Gudoomiyaha Oslo: Reymond Johansen. Foto: Skjermdump/nrk

Magaalada Oslo waxaa maalmihii ugu danbeeyay si aad ah kor ugu kacay tirada laga helay corona, noociisa cusub ee dalka UK kasoo bilowday. Waxaana 24-kii saac ee ugu danbeeyay magaalada Oslo laga diiwaan-galiyay 275 kiis oo la xiriira feyruska Corona.

Gudoomiyaha maamulka dowlada hoose ee Oslo Raymond Johansen ayaa sheegay in maamulka degmadu uu qiimeynayo inuu talaabooyin adag kusoo rogo magaalada, si loo xakameeyo faafitaanka feyruska Corona. Wuxuuna sheegay in degmadu ay qiimeyneyso in bandow cusub lasoo rogo, sidoo kalena la xiro iskuulada iyo goobaha xanaanada, isla markaana albaabada loo laabo dhamaan goobaha lagu kulmo ee dadweynaha.

Degmooyinka ku xeeran magaalada Oslo ayaa iyagana ka fakarayo inay qaadaan talaabooin noocaas oo kale ah, kadib markii uu ku faafay feyruska Corona, nooca UK.

Maamulka magaalada Oslo ayaa saacad kadib qaban doono shir jaraa´id oo looga hadlayo arrintan soo korortay, laguna soo bandhigi doono talaabooyinka cusub ee dowlada hoose ay qaadi doonto.

Xigasho/kilde: Raymond Johansen: Vurderer å stenge skoler og forby sosiale sammenkomster i Oslo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments