Qof isbitaalka la dhigay talaalka Corona kadib oo geeriyooday.

0
107
Irbada talaalka: Nooca Denmark laga istaajiyay Foto: Alessandra Tarantino / AP

Haweenay howlwadeen caafimaad aheyd oo maalmo kahor isbitaalka la dhigay, kadib markii ay qaadatay talaalka Corona, noociisa AstraZeneca. Haweeneydan geeriyootay ayaa isbitaalka la dhigay kadib markii ay isku aragtay dhiig-xinjirow iyo dhiig-furan maskaxda ah, maalmo kadib markii ay qaadatay talaalka Corona ee AstraZeneca. Waxaana sidaas xaqiijiyay hey´adda daawooyinka u qaabilsan dowlada Norway( Statens legemiddel-verk).

Hey´adda daawooyinka ayaa dhanka kale sheegtay in wali aan la hubin xiriirka ka dhaxeeyo geerida haweeneydan dhalinyarada iyo qaadashada talaalka Corona. Dhanka kale waxey hey´addu xaqiijisay in gabadha geeriyootay oo dhalinyaro aheyd aysan horey u qabin wax jiro caafimaad ah oo weyn.

Kiiskan ayaa noqonayo kii labaad oo dhimasho ah oo la xiriira dad qaatay talaalka AstraZeneca ee coronavirus. Khamiistii waxaa sidoo kale geeriyootay haweenay dhalinyaro howlwadeen caafimaad ah oo qaadatay talaalka Feyruska Corona.

Dowlada Norway ayaa isbuucii hore istaajisay adeegsiga talaalka AstraZeneca ilaa laga xaqiijinayo xiriirka ka dhaxeeyo dadka isku arkay dhiig-xinjirowga iyo qaadashada talaalka.

Xigasho/kilde: Helsearbeider som ble innlagt etter AstraZeneca-vaksine er død

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments