Wargeys: Dhakhtar soomaali ah ayaa isbitaalka magaaladeena ka shaqo bilaabay.

0
371
Sawir hore: Dr Mahad Warsame iyo Dr Hanna Elmi Foto: NorSom News

Labaatankii sano ee ugu danbeeyay, hadii aad akhrin jirtay ama la socotay warbaahinta dalkan Norway, waxaad inta badan maqli jirtay in magaca soomaaliga lala xiriirinimo wax aan dhagaha u fiicneyn oo u badan falal-danbiyeedyo. Maadaama hada ay soomaalidu wadanka si fiican ula soo qabsaneyso, waxaa muuqdo inuu socdo isbadal xoogan oo dhanka magaca iyo maqaamka soomaalida ah oo laga dheehan karo warbaahinta Norway, kana turjumi karo isbadalka bulsheed ee soomaalida Norway ku socdo.

Dhawaan ayay aheyd markii uu wariyaha caanka ah ee Noman Mubashir uu VG kusoo qoray maqaalkii uu cinwaanka uga dhigay Majwada cusub ee soomaalida Norway, uu kaga hadlay dadaal dhalinyarada soomaalida ah. Halkan kasii akhri.

Firda Tidenda: Dhakhtar takhasus leh oo soomaali ah ayaa magaalada ka shaqo bilaabay.

Journalka kasoo baxo Sandane ee gobolka Sogn og Fjordane ayaa maanta bogiisa hore kusoo daabacay warbixinta dhakhtar soomaali ah oo isbitaalka deegaanadaas ka shaqo bilaabay, iyada oo journaalku u muuqdo inuu dadka deegaanka ku wargalinayo warka wanaaga xanbaarsan ee shaqo bilaabista dhakhtarka.

Dhakhtarka soomaaliga ah ee shaqo bilaabistiisa lagu soo daabacay journaalka ayaa lagu magacaabaa Mahad Omar Warsame, waxaana inuu dhakhtar u yahay u dheer in takhasuskiisu uu yahay Kardiolog oo ah dhakhtar si gaar ah u bartay daaweynta cudurada wadnaha, xididada dhiiga iyo waxyaabaha kal ee lala xiriirinayo.

Journalka ayaa sidoo kale qoray in Mahad uu horey uga soo shaqeeyay isbitaalo kale oo Norway kuyaal, gaar ahaan Tromsø, Oslo iyo Sunnfjord.

 Per Marifjæren oo ah la taliyaha caafimaadka ee hey´addah caafimaadka Førde, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in isbitaalkooda uu ka shaqo bilaabay dhakhtar leh aqoon daawo oo baahi aad weyn looga qabay deegaanka.

Xigasho/kilde: Nordfjord sjukehus har fått ny kardiolog: Mahad Omar Warsame.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments