Haweenay NAV u shaqeyso oo xabsi u gashay inay galmo ahaan uga faa´iideysatay wiil qoxooti ah.

0
191
Foto: Regjeringen.no

Maxkamada Nord-Norge ee woqooyiga dalkan Norway ayaa xabsi hal sano sano iyo labo(2) bilood ah ku xukuntay haweeney u shaqeyn jiray hey´adda NAV, taas oo lagu helay danbi ah inay booskeeda shaqo galmo(jinsi) ahaan uga faaíideysatay wiil qoxooti ah.

Haweeneydan la xukumay ayaa ka shaqeyn jiray xafiiska qoxootiga ee NAV, waxeyna qaabilsaneyd(masuul ka aheyd) kiiska wiilka qoxootiga ah ee maxkamadu ay u aqoonsatay dhibanaha.

Dhageyso codka hoose

Wiilka qoxootiga ah ee dhibanaha kiiska ah, ayaa sheegay inuu sameyn jiray waxa ay iyadu ka codsato, isaga oo ka cabsi qabay cawaaqibta uga imaan karta hadii uu diido ama uu ka hor imaado rabitaankeeda. Si gaar ah wuxuu u sheegay inuu u dacwooday wiilkii walaalkii ah, sidaas darteedna uu ka cabsi qabay in kiiskaas uu dhib uga imaado, hadii uu damaceeda kahor diido.

Garsoorayaasha maxkamada ayaa xukumay in xiriirka galmo ee ka dhaxeeyay haweeneyda NAV ka shaqey jirtay iyo wiilka qoxootiga ahaa, uu ahaa mid ku dhisan cabsi iyo boos shaqo ka faa´iideysi, sidaas darteed ay haweeneydaas eedeysanaha ah gashay danbiga lagu soo eedeeyay.

Waxaan ka cabsi qabay inuu na kala fogeeyo:

Hey´addaha qoxootiga ayaa diiday codsigii uu wiilka qoxootiga ah oo markaas aan qaan-gaar aheyn(18 sano ka yaraa) uu ku dalbaday in walaalkiis Norway loo keeno. Haweeneyda hada la xukumay ayaa ku wargalisay inay kiiskiisa ka caawin doonto, warqadna u diri doonto hey´addaha qoxootiga. Balse taas ma aysan sameyn, waxeyna si ulakac ah u diri weyday waraaqihii ay balanqaaday inay diri doonto.

Markii uu wiilka qoxootiga ahaa uu ogaaday in haweeneydii uu xiriirka galmo la lahaa, aysan dirin codsigii uu walaalkii ugu dacwoon lahaa, ayuu gooyay xiriirkeeda. Balse haweeneyda ayaa intaas uga harine, waxey ka gudbisay dacwad boolis oo la xiriirta inuu kufsi u geystay.

Booliska ayaa baaritaan iyo wareysiyo ay wiilka qoxootiga la yeesheen kadib waayay wax cadeyn ah oo muujinaya inuu kufsi u geystay, waxaana haweeneydii lagu eedeeyay inay booliska been u sheegtay. Waxaana dhanka kalena lagu eedeeyay inay booskeeda shaqo galmo ahaan uga faa´iideysato wiilka qoxootiga ah.

Haweeneyda la xukumay ayaa maxkamada horteeda ka qiratay in sababta aysan codsigaas u dirin ay aheyd, inay ka cabsi qabtay in hadii walaalkiis Norway la keeno uu helo wehel kale oo aan iyada aheyn, sidaas darteedna uu dhexdooda soo gala, xiriirkoodana uu kala fogaado.

Maxkamada ayaa xukunyay sanad iyo labo(2) bilood oo xabsi ah, waxaana lagu amray inay dhibanaha siiso magdhow gaaraya 100.000 kr.

Xigasho/kilde : Nav-ansatt dømt for å ha utnyttet asylsøker seksuelt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments