Akhri: Oslo oo fududeysay xanibaadaha qaarkood

0
178
Reymond Johansen: Gudoomiyaha dowlada hoose ee Oslo Foto: Skjermdump

Dowlada hoose ee magaalada Oslo, ayaa maanta soo bandhigtay khafiifin kooban oo lagu sameeyay xeerarka adag ee lagu soo rogay dadweynaha kunool magaalada, si looga hortago faafitaanka Corona.

Gudoomiyaha Maamulka dowlada hoose ee Oslo, Reymond Johansen oo maanta shir jaraa´id qabtay, ayaa sheegay in xanibaadaha ugu badan ee la khafiifiyay, ay yihiin kuwa saameynaya dhalinyarada yar-yar iyo caruurta. Isaga oo sheegay in Oslo ay wali tahay meesha dadka ugu badan ay ku qaadaan feyruska Corona, sidaas darteed wali ay xaaladu tahay mid aan caadi aheyn.

Waxyaabaha la fududeeyay waxaa kamid ah:

Xaalada Xarumaha xanaanada caruurta(Barnehage) oo markii hore aheyd la galiyay khadka guduudan(Rød), ayaa hada dib loogu celiyay khadka jaalaha(huruudiga, gul) ah. Waxaana tusaale ahaan ka dhalah karo in caruurtu ay wada joogi karaan koox-koox, marka la joogo xarumaha xanaanada.

Waxaa la ogolaaday in dhalinyarada iyo caruurta ay ka qeybqaatan karaan Aktivitet-yada lagu qabto gudaha iyo banaan labadaba.

Waxaa la ogolaaday in la furo dukaamada qaarkood, gaar ahaan kuwa aan ku dhexgaalin meelaha senterada ah ee laga adeegto.

Waxaa la ogolaaday in la furo maktabadaha ay dadku wax ku akhristaan(Biblioteket).

Xigasho/kilde: Oslo letter på tiltak.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments