Siyaasi ayuu Facebook ugu hanjabay: Xukun 10 bilood oo xabsi ah.

0
94
Foto: Frp

Maxkamada magaalada Oslo ayaa nin 23 sano jir ah ku xukuntay 10 bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu Facebook uga hanjabay Jon Helgheim oo ah siyaasi katirsan xisbiga Frp.

Ninkan ayaa Facebooga siyaasigan ugu diray qoraalkan: Sii wad inaad si xun u hadasho, waa la arki doonaa waxa aniga iyo wiilasha 313, Young Bloods(Dhiiga dhalinyarada), 187 aan sameyno, marka xigta oo aan magaalada kugu aragno.

Magacyada 313 iyo Young Bloods waa magacyada kooxo gaangis ah oo ka dhisan magaalada Oslo, halka ereyga 187 uu yahay sharciga dilka ee gobolka California.

Xigasho/kilde: Dømt til fengsel for Facebook-trusler mot Jon Helgheim.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments