Booliska oo 100% kordhiyay ganaaxyada Corona-virus.

0
91

Booliska Oslo ayaa labo(2) jibaar kordhiyay qeybo kamid ah ganaaxyada lacageed ee horey loogu ganaaxi jiray, dadka lagu qabto inay jabiyaan xeerarka xakameynta xanuunka Corona.

Hadii tusaale ahaan aad agaasinto xaflad, aadna xafladaas kasoo qeybgalaan dad ka badan toban(10) qof, waxaad muteysan doontaa ganaax lacageed oo gaaraya 20.000 kr. Halka markii hore ay ka aheyd 10.000 kr.

Qofka ka qeybgala xaflad ay joogaan dad ka badan 10 qof, wuxuu muteysan doonaa 10.000 kr oo ganaax ah. Halka ganaaxaas uu markii hore ka ahaa 5000 kr.

Qofkii diida inuu iska baaro xanuunka Corona, marka uu Norway kasoo galo dibadda, ayaa laga dhigay 20.000 kr. Ganaaxan ayaa ah mid hada uu dhawaan dhaqangalay.

Booliska ayaa sheegay in ujeedada ka danbeysa arrintan, ay tahay in la muujiyo muhiimada ay leedahay xakameynta xanuunka Corona iyo halista ka dhalan karto, hadii la jabiyo xeerarka ay dowladu u dajisay in lagu xakameeyo.

Xigasho/kilde: POLITIET DOBLER CORONABØTER.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments