Hey´adda qaabilsan la socoshada suuqa daawada iyo saameynteeda ee dalkan Norway (Legemiddelverket), ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in geerida 13 qof oo dhintay markii ay talaalka Corona qaateen kadib, lala xiriirin karo saameynta ay daawada talaalka ku sameyso jirka qofka.
13-ka qof ee geeridooda lala xiriirinayo daawada talaalka Corona, ayaa dhamaantood ahaa dad waayeel ah oo aad u tabar-daran, da´dooduna ay ka koreyso 80 sano.
25.000 qof ayaa talaalka qaatay:
Guud ahaan waxaa qeybta koowaad talaalka Corona qaatay dad gaarayo 25.000 qof, waxaana lasoo wariyay ilaa 29 kiis oo ah dad ay saameyn xoogan ku yeelatay daawada talaalka.
23 qof oo kamid ah 25.000 qof ee talaalka qaatay, ayaa geeriyooday, kadib markii ay talaalka qaateen. Hey´addaha daawada ayaana bilowday baaritaano la xiriira inuu wax xiriir ah ka dhaxeeyo geerida dadkaas iyo qaadashada talaalka.
Hey´adda ayaa warbixinta koowaad ee hordhaca ah ku sheegtay in dhimashada 13 qof oo dhintay marka ay talaalka qaateen kadib, geeridooda lala xiriirinayo saameynta ay jirka qofka ku sameyso daawada talaalka. Waxaana saameyntaas kamid ah qandho, jir xanuun lalabo iyo oomateed xumo(cunto-cunis yaraan). Saameyntaas oo qofka caadiga ah, aan wax dhibaato ah u laheyn.
Waxeyna sheegeen in dadka waayeelka ah ee tabarta daran, horeyna u qabay xanuuno badan, ay u adkeysan waayeen saameynta ka dhalata daawada talaalka, ayna sababi karto inay u dhintaan.
Steinar Madsen oo katirsan hey´adda daawada ayaa sheegay inaysan jirin cabsi weyn oo laga qabo saameynta talaalka, maadaama dhamaan dadka geeriyooday ay yihiin dad waayeel tabardaran ahaa, horeyna u qabay xanuuno badan. Aana si cad loo qeexi karin xiriirka ka dhaxeeyo dhimashadooda iyo qaadashada talaalka. Wuxuuna sheegay in hey´addu ay sii baari doonto saameynta ka dhalata daawada talaalka.
Hey´adda ayaa isbuuc walba soo saari doonto warbixinta saameynta talaalka Corona.
Xigasho/kilde: Legemiddelverket knytter 13 dødsfall til bivirkninger av vaksinen.