Dowlada oo «praktikal» ahaan xireyso xuduudaha Norway

0
146
Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg Foto: Arvid Samland/Statsministerens kontor

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg oo daqiiqaqo kahor soo gaba-gabeysay shir jaraa´id oo ay qabatay, ayaa sheegtay in dowladu ay mamnuuceyso in xuduudaha dalka lasoo galo, ilaa inay jirto sabab lagama maarmaan ah ma ahaane. Go´aankan ayaa qabanaya dadka aan ku nooleyn Norway, aana heysan sabab muhiim ah oo ku qasbeyso inay gudaha Norway soo galaan.

Go´aankan ayaa sida ay sheegtay Solberg, dhaqangali doono, laga bilaabo saqda dhexe ee habeenka jimcaha ah ee isbuucan. Wuxuna shaqeyn doonaa mudo labo(2) isbuuc ah, kahor inta aysan dowladu mar kale hadana qiimeyn ku sameyn go´aanka ay maanta qaadatat.

Yaan la safrin:

Reysulwasaaraha ayaa shirkeeda jaraa´id uga hadashay safarada dalxiisyada ah oo ay dalka uga baxaan dadka Norwey kunool. Iyada oo sheegtay in xiligan aysan arintaas aheyn mid sax ah ama la qaadan karto. Waxeyna dadweynaha ku boorisay inay si wadajir ah uga qeybqaataan xakameynta faafitaanka feyruska Corona.

Talaabada ay maanta qaaday dowlada, ayaa noqoneyso tii ugu adkeyd oo ay sameyso tan iyo bishii Maarso, markii uu xanuunku sida rasmiga ah uga dilaacay gudaha Norway.

Xigasho/kilde: – I praksis blir grensen stengt for alle som ikke bor i Norge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments