Dowlada: Bandow wali lama gaarin, balse cabsi ayaa jirta.

0
183
Wasiirka Cadaalada Norway: Monica Mæland. Foto: Torbjørn Tandberg

Wasiiradda cadaalada Norway Monica Mæland ayaa shaley shir jaraa´id la qabatay xubno katirsan golaha wasiirada. Waxeyna shirkooda kusoo bandhigeen xaaladii ugu danbeysay ee xanuunka Corona.

Wasiiradda ayaa sheegtay in ilaa hada aysan jirin sabab xoogan oo keeni karta in Norway la galiyo bandow cusub, balse waxey raacisay in xaaladu ay noqon karto mid si deg-deg ah isku badali karto. Waxeyna sheegtay in Norway uu ku faafi karo nooca cusub ee xanuunka Corona, kaas oo faro ba´an ku hayo wadamada Woqooyiga Yurub.

Wasiiradda ayaa dhanka kale sheegtay inay maqashay dad badan oo safaro dibadda ah kasoo noqday, kuwaas oo aan iska baarin xanuunka, 24 saac gudahood marka ay dalka kusoo noqdeen. Waxeyna sheegtay in arrintaas ay tahay mid halis u ah dalka iyo dadkaba, laguna muteysan karo ciqaab xabsiyeed.

Hey´addaha caafimaadka ayaa dhanka kale ka digaya in xanuunka Corona uu mar kale kusoo xoogeysan karo Norway, sida ka dhacday wadamada kale ee woqooyiga Yurub. Waxeyna dadka kula taliyeen inay yareeyaan isku socodka, ayna raacaan talaabooyinka dowlada.

Norway ayaa ilaa hada kamid ah meelaha uu xanuunka ugu saameynta yartahay wadamada Yurub.

Xigasho/kilde: Høy risiko for nye utbrudd av korona.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments