Dalka waxaa laga diiwaangaliyay kiiskii ugu horreyay ee nooca cusub ee cudursidaha coronavirus ah, taasoo keentay shaki ah in mowjado kale oo la xiriira fayraska ay ku dhuftaan dalka Sweden iyo dalalka kale ee Nordica.
Wasaaradda caafimaadka Sweden ayaa ku warrantay in qof dhawaan kasoo laabtay magaalada London, laga helay fayraska cusub.
Nuucaan cusub ee cudursidaha Coronavirus ayaa laga helay dalka Ingiriiska. Wasiirka Caafimaadka Britain, Matt Hancock ayaa sheegay, in ilaa 1000 kiis oo la xiriira xanuunkani lagu arkay koofurbari ee dalka England.
Arrintaasi waxay keentay in dalal ka badan 40 ay xuduudahooda ka xirteen safarrada ka imanaya dalka Ingiriiska.