lørdag, april 27, 2024

Labadan qodob ayay maxkamadu go´aamin doontaa kiiska maamulka masaajidka Tawfiiq

Waxaa maalintii arbacada aheyd soo gaba-gabowday dhageysiga maxkamada u dhaxeyso labo guruub oo soomaali ah, taas oo ku saabsan khilaaf dhanka maamulka masaajidka Tawfiiq ah.

Warbaahinta NorSom News ayaa codsatay, hesheyna nuqulo kamid ah dokementiyada ay maxkamada u gudbiyeen labada qareen ee kala matala labada kooxood ee soomaalida ah ee dacwadooda u gudbistay garsoorka maxkamada khilaafaadka madaniga ah ee magaalada Oslo. Halkan ka akhri faah-faahinta maxkamada.

Waxaa xusid mudan in kiiska maxkamadu uu u dhaxeeyo wax dacweeye(Saksøker) oo ah masaajidka Tawfiiq iyo la dacweeyayaal(Saksøkte) oo ah gudiga sagaalka qof ah ee kasoo horjeedo maamulka masaajidka Tawfiiq. Horey waxey maxkamadu kiiska ugu xukuntay wax dacweeyaha oo ah masaajidka Tawfiiq, iyada oo aan dhageysan la dacweeyaha(sagaalka qofka). Waxaana hada xooga la saarayaa sida muuqato garnaqsiga la dacweeyayaasha oo racfaan ka qaatay xukunka koowaad ee maxkamada

Kadib akhrinta dokumentiyada ay qareenada labada kooxood u gudbiyeen maxkamada Oslo, waxaan halkan kusoo koobeynaa nuxurka iyo go´aanka laga filan karo xukunka garsooraha maxkamada Oslo.

  1. Inay maxkamadu mar kale wax dacweeyaha(saksøkte) ay u xukunto go´aankeedii hore ee lagu diiwaangaliyay gudiga hada ku qoran masaajidka Tawfiiq. Go´aankaas oo ku dhisan dacwadii hore ee aheyd in masaajidku uu leeyahay gudi sax ah oo lagu doortay nidaam iyo habraac waafaqsan xeerka masaajidka ee la ansixiyay 2016. Balse ay dhibaato ku wadaan koox ka kooban sagaal qof oo qaarkood aysanba masaajidka xubno ka aheyn. Hadii uu garsooraha xukunkiisa qaabkaas u dhigo, aana hadana laga daba dirin dacwad maxkamadeed oo kale, waxaa sidaas mar kale kusii adkaanayo saxnimada sharciyeed ee gudiga hada masaajidka ku diiwaangashan, wuxuuna masaajidku is daba jiid badan kadib uu yeelan doonaa gudi la aqoonsanyahay ilaa doorasho danbe ama isbadal kale.
  2. In maxkamadu ay marka dhageysato, kuna qanacdo cadeymaha iyo markhaatiyaasha ay keeneen gudiga la dacweeyay, ay laasho xukunkeedii hore. Waxaana halkaas ku burayo go´aankii maxkamdeed ee lagu ansixiyay gudiga masaajidka hada ku qoran, masaajidkuna wuxuu hadana mar kale kusoo dhaci karaa gudi la´aan iyo maamul la´aan(Hada iyo bilow cusub), hadii aysan jirin xeer hoosaad kale oo u dagsan xubnaha masaajidka marka ay soo baxaan xaaladahan oo kale. Guruubka la dacweeyay ayaa sheegayo in masaajidka aan loo ansixin wax xeer ah sanadkii 2016, aysana dhicin doorasho la isku raacsanyahay, sidaas darteed xukunkii hore ee maxkamada uu yahay mid ku dhisan cadeymo aan sax aheyn.
  3. Waxaa iyadana furan wado kale oo ah: In garsooraha maxkamadu marka uu arko xaalada cakiran iyo garnaqsiga labada kooxood ee soomaalida ah, ee mid walba uusan rabin inuu kan kale u dabco, uu soo saaro go´aan kumeel gaar ah oo dhex-dhexaad ah, kaas oo sahlaya in ururka masaajidka aan laga saarin liiska ururada diimaha, balse la helo farsamo kale oo lagu helo gudi dhex-dhexaad loo arki karo oo masaajidka maamula ilaa isbadal danbe.
  4. Xafiiska maamulka Gobolka Oslo ayaa sheegay ineysan soo sii deyn doonin kaalmadii dhaqaale ee masaajidka, ilaa la helo xukun maxkamadeed oo dhinac u rida khilaafka hada jiro, ama labada guruub ee is heysta ay iskood u gaaraan xal dhexdooda ah.

Isku soo wada duub, marka aad aragto dokumentiyada ay maxkamada u gudbiyeen labada gudi ee is haya, waxaad xaqiiqsaneynaa sida uu u fogaaday kiiska soomaalida dhexdeeda ah ee ku saabsan khilaafka masaajidka Tawfiiq. Waxa uu xukunka garsoorahu noqdaba, waxaa muuqato in daaweynta dhaawaca soo gaaray kalsoonida soomaalida dhexdeeda ah ay qaadan karo mudo aad u dheer.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x