fredag, mars 29, 2024

Maxkamada Oslo oo shaley dhageysatay dacwada khilaafka maamulka masaajidka Towfiiq.

Maxkamada khilaafaadka madaniga ah ee magaalada Oslo, ayaa shaley si digital ah(Muuqaal ah) u dhageysatay dacwada u dhaxeysa labada gudi ee soomaalida ah ee isku heysta maamulka masaajidka Towfiiq. Waxeyna dhageysiga dacwadan socotay sagaal saac, iyada oo qareenada labada koox ay soo bandhigeen cadeymaha uu mid walba ku doodayo inay iyagu yihiin kuwa saxan, halka kuwa kalena ay qalad ku socdaan.

Labada dhinac ee isku heysta maamulka masaajidka Towfiiq ee maxkamadu ay shaley gartooda dhageysatay ayaa kala ah, maamulka hada ku qoran masaajidka iyo gudi kale oo ka biyo diidsan qaabka maamulkaas lagu doortay. Waxeyna labadan koox ee soomaalida ah khilaafkoodu uu hada soo socday mudo ku dhow 2 sano, iyada oo khilaafkaas uu soo maray heerar kala duwan, hadana uu horyaalo garsooraha maxkamada khilaafaadka Oslo.

Labada koox ee soomaalida ahba, wuxuu mid walba dhankiisa keensaday markhaatiyo dhowr ah iyo cadeymo ay rabaan inay gartooda ku xoojistaan. Waxaana sidoo kale dhageysiga maxkamada qeyb ka ahaa turjumaano soomaali ah

Labada qodob ee ugu muhiimsan dacwada:

Warbaahinta NorSom News ayaa heshay qeybo kamid ah waraaqaha dacwadaha ah iyo cadeymaha ay garsooraha maxkamada u kala gudbiyeen labada qareen ee kala matala labada koox ee soomaalida ah ee isku heysta maamulka masaajidka. Waxaana khilaafka ugu xoogan ee maxkamadu ay go´aan ka gaari doonto uu ku dulwareegayaa labada qodob:

Xeer la sheegay in la ansixiyay 2016: Gudiga Maamulka masaajidka Towfiiq ku diiwaangashan ayaa ku doodayo in sanadkii 2016 masaajidka loo ansixiyay xeer cusub, kaas oo qeexaya qaabka loo dooranayo maamulka, qaabka masaajidka loo maamulayo iyo arrimaha kale ee la xiriira gudiga maamulka. Waxeyna gudiga Towfiiq maxkamada keeneen markhaatiyaal uu kamid yahay nin la sheegay inuu ahaa qofkii qoray «Referatka» kulanka xeerkaas lagu ansixiyay, kaas oo su´aalo adag kala kulmay qareenka matalayay kooxda kasoo horjeedo maamulka Towfiiq.

Gudiga kasoo horjeedo maamulka Towfiiq ayaa dhankooda sheegayo in xeerkaas uu yahay mid faaliso ah oo aan xubnaha masaajidka lala wadaagin, aysana jirin meel lagu ansixiyay, balse uu yahay mid maamulka masaajidka uu soo aliftay, si ay gartooda ugu ansixiyaan. Waxeyna markhaatiyaal u keensadeen dhowr qof oo ay kamid yihiin dadkii maamulka masaajidka gacanta ku hayay xiliga la sheegay in xeerkaas la ansixiyay. Sidoo kale waxey keydka xogta ee xafiiska gobolka Oslo ka keeneen in xeerkaas aan loo gudbin hey´addaha dowlada ee diiwaangaliya xeerarka cusub ee ururada diimaha, taas oo ay sheegeen inay cadeyn u tahay inuusan sax aheyn.

Doorashada November 2019: Gudiga maamulka masaajidka Towfiiq, ayaa sheegay in la doortay dhamaadka sanadkii 2018, balse kadib markii lagu sameeyay buuq iyo arbushaad, lagana horistaagay inay is diiwaangaliyaan, ay mar kale xubnaha masaajidka u icmaaliyeen kulanweyne guud, kaas oo lagu go´aamiyay in loo cusbooneysiiyo kalsoonida ah inay iyagu yihiin gudiga masaajidka. Waxeyna sheegeen in doorashadaas ay dhacday November 2019. Iyaga oo soo bandhigay cadeymo muujinayo inay iyagu yihiin gudiga saxda ah ee masaajidka xubnihiisa matalo, maamulkana hada hayo oo ku diiwaangashan.

Gudiga kasoo horjeedo maamulka Towfiiq, ayaa iyagana soo bandhigay in doorashada hore ee dhacday 2018 ay aheyd mid qaab musuq-maasuq abaabulan ah lagu qabtay, iyada oo takoor gooni ah lagu sameynayo qaar kamid ah xubnaha masaajidka. Iyaga oo sheegay in qaabka doorashadaas loo abaabulay ay aheyd mid uu ka socday muran badan oo khilaaf wato, waxeyna soo bandhigeen waraaqo cadeynayo inuu socday wadahadal ku saabsan in masaajidka loo sameeyo xeerar qeexayo qaabka doorashada, iyada oo loo marayo hab cadaalad ah. Sidoo kale qareenka matalayo gudiga khilaafsan maamulka Tawfiiq, ayaa dhageysiga maxkamada ka daaray muuqaalo muujinayo khilaaf iyo buuq ka taagnaa doorashada ay maamulka Tawfiiq sheegeen in dib loogu doortay november 2017.

Garsooraha maxkamada khilaafaadka Oslo ayaa maalmaha soo socdo go´aan ka gaari doono dacwada u dhaxeysa labadan gudi ee soomaalida ah ee isku heysta maamulka masaajidka Towfiiq.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x