fredag, april 26, 2024

Keshvari oo hadana mar kale 7 bilood oo xabsi ah lagu xukumay.

Maxkamada racfaanka Eidsivating oo maanta dhageysatay dacwada racfaanka uu siyaasi hore Mezyar Keshvari ka gudbiyay xukunkii ay horey ee ay ku xukuntay maxkamada darajada koowaad. Waxeyna maxkamada racfaanku mar kale Keshvari ku xukuntay 7 bilood oo xabsi ah.

Maxkamada darajada koowaad ayaa horey Keshvari ugu xukuntay 7 bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu baarlamaanka Norway ka khiyaanay lacag gaareyso 450.000 kr, taas oo si aan sharci aheyn uu baarlamaanka uga qaadan jiray. Wuxuuna gudiga dhaqaalaha baarlamaanka u diri jiray warqado been abuur ah oo ku saabsan safaro uu galay, waxeyna usoo celin jireen lacag uusan xaq u laheyn. Halkan kasii akhri

Maxkamada racfaanka oo dhageysatay codsiga racfaan ee Keshvari, ayaa sheegtay inay ku raacsantahay xukunka maxkamada koowaad, waxeyna laashay racfaankii Keshvari.

Mezyar Keshvari oo horey u ahaan jiray afhayeenka arrimaha soo galootiga xisbiga Frp, ayaa waxaa hada sugeyso maxkamad labaad. Maadaama uu ku eedeysanyahay danbi kale oo la xiriira hajnabaad dil.

Xigasho/kilde: Keshvari dømt til sju måneders fengsel

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x