torsdag, april 25, 2024

Iskuulada hoose/dhexe iyo dugsiyada sare oo isniinta dib loo furi doono.

Reysulwasaaraha Norway iyo dhowr wasiir oo xakuumadeeda katirsan, oo galabta si wadajir ah u qabtay shir jaraa´id, ayaa soo bandhigay qorshaha xukuumada ee ku aadan dib u furitaanka wadanka, kadib ku dhawaad 7 isbuuc oo uu wadanku xirnaa.

Qodobka ugu horeeya ee galabta ay soo bandhigtay xukuumada, ayaa ah in laga bilaabo maalinta isniinta ah(11-mai-2020) dib loo furi doono iskuulada hoose/dhexe(fasalka 5-aad ilaa 10-aad) iyo iskuulada sare. Horey waxaa u furnaa iskuulada caruurta fasalka 1-aad ilaa 4-aad iyo xarumaha xanaanada, balse laga bilaabo isniinta ayaa dhamaan qeybaha kale ee iskuulada dib loo furi doonaa.

Dowlada ayaa wali degmooyinka siisay inay sameyn karaan isbadalo gaar ah oo ku saabsan furitaanka iskuulada, hadii ay arkaan baahi loo qabo.

Sidoo kale iskuulada baabuur wadista ayaa iyagana la furi doonaa wixii ka danbeeyo 11-ka bishan May oo ku aadan maalinta isniinta ah ee soo socoto.

Xigasho/kilde:Regjeringen med plan om å åpne Norge – skolene åpner mandag

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x