Waxa aan daawaday muuqaalo kala duwan oo dhalinyaro soomaali-norwiji ah kusoo gudbinayeen wacyigelin la xiriirta xanuunka beryahaan socday. Waxaa ugu dambeeyay mid aad u kooban oo Sagal Guleid u sameysay NRK.
Marka hore ii ogolaada in aan ammaan ujeediyo cid waliba oo isku dayeysa inay farriin la gaarto dadkeena iyada oo aan laga eegeyn qaabka ay u hadleen ama ereyada ay xusheen. Marka labaad, dal iyo dibadba, siyaabo kala duwan ayay dadkeenu uga falceliyeen muuqaaladaan. Dad badan oo Norway deggan si xushmad ku jirto ayey u cabbireen aragtidooda ah in aan farriintu gaarin dadkii la rabay tayadeeduna liidatay. Dadkaasi Sagal qof ahaan dhaliil dusha kama saarin, sharafteedana waxba uma dhibin.
Nasiib darro waxaa jiray qaar si yasmo, ceebeyn iyo jees-jees ah u beegsaday gabadha iyaga oo isweydiiyay inay Soomaali tahay. Dad badan oo aan kamid ahay aad ayey arrintaa uga xumaadeen runtii.
Qof ahaan, Sagal aqoon uma lihi ka badan inay tahay gabar Soomaali ah oo NRK ka shaqeysa. Balse dadka sida qalloocan uga faalooday muuqaalkaa ama ku jees-jeesay waxa aan rabay inaan xusuusiyo:
1. Waxaan ahay aabbe carruur ugu dhalatay oo ku korsada Norway si lamid ah sida Sagal ugusoo kortay. Waxaan garowsanahay in barashada afkeenu ku adagtahay ilmaha mar haddii waqtigooda ugu badan adeegsadaan Norwiiji. Haddii ay jiraan waalid ku guuleystay in ilmahoodu afka si wanaagsan u baraan, waa ku ammaananyihiin. Balse nasiib darro dadka oo dhami kuma wada guuleysan karaan sababa jira aawadood. Waxaan u badaniyaa inay tahay dhib la wada qabo oo qof waliba gurigiisa ka jira.
2. Kaliya ma aha in marka ilmaheena dad kale yasaan oo jiir-nacaan aan ka falcelino. Ee waa sidoo kale inaan uga falcelino haddii arrintaa oo kale dhexdeena ka dhaceyso. Tiro ma leh inta jeer oo aan arkay waalidiin soomaaliyeed oo ilmahooda yasaya ogaal iyo ogaal la’aan. Imisa jeer ayaad maqashay: War ilmaha meeshaan ku koray waa xoolo, Af-soomaaliga waa ka faanayaan iyo wax la mid ah. Haddii aan ku qosolno marka ay kalimad qalloociyaan, maxaan ula yaabeynaa haddii ay u cararaan luqadda ay isku hubaan (Norwiiji).
3. U fiirso dadka sida aniga oo kale iyaga oo waaweyn isku dayay barashada af qalaad, waxaan ka dhignaa hal jabay iyo hal haaday. Miyaa nalagu qoslaa? Maya. Waa nalagu dhiirigeliyaa oo weliba la yiraahdaa: Qatar ayaad ku tahay afka.
4. Sagal waa Soomaali, weliba iskula qabweyn dadnimadeeda. Waa gabar ka dhex muuqata dad ka isir duwan oo aanan u hubin inay u quuraan booska ay shaqada uga jirto. Waxa ay dadkeeda ka mudantahay dhiirigelin ee niyad jebin uma baahna. Waxaa laga yaabaa inaad faallo qaloocan baraha bulshada uga qorto oo aad ku qososho adiga oo aan ka fikirin waxyeeladeeda. Bal adigu malee waxa aad dareemi laheyd haddii sidaa dadkaagu kuu caayi lahaa.
5. Sagal iyo kuwa lamid ah waa inaan kor u qaadno oo aan ku faanno. Sidoo kale waa inaan ku faanno waalidkii soo barbaariyay ee gaarsiiyay heerkaa. Waxa ay kudayasho wanaagsan u yihiin carruurteena maalin walba maqla caayda iyo bahdilka qowmiyadeena lagu haayo.
Si xushmad leh ayaan weydiimahaan uga doodi karnaa annaga oo aan qof gooni ah maagin:
1. NRK iyo tifaftiryaashiisu ma qaateen xilkoodii warbaahineed ee ku aadaneed dadka aan af norwiijiga si quman u aqoon, gaar ahaan soomaalida?
2. Carruurta soomaaliyeed afkooda ma u bartaan sidii loo baahnaa marka la barbardhigo dadyowga kale ee soogalootiga ah? Maxaan taa ka baran karnaa?
3. Gar miyaa in tayada afeed ee carruurta ku koraya qurbaha laug dhereriyo kuwa dalkii ku koray?
4. Waalidiintu kaalintooda ma qaataan?
5. Ma qabnaa xarumo dhaqan oo u nidaamsan si afka hooyo loogu baran karo? Sidee ku helnaa?
Gebegebadii waxa aan mar labaad ku celinayaa inaan dhiirigelino cid waliba oo isku dayeysa inay xaraf luqadeena ah ku hadasho, iska daa carruurteena la daalaa dhacaya inay ku hadlaan afkooda hooyo.
Afeef: Faaladani waa aragtideyda qof ee wakiil cidna ugama ihi. Ujeedkeygu waa kaliya inaan dadkeyga ku baraarujiyo isdhiirigelin.
Weynuhu cudurka ha inaga badbaadiyo, inta xanuunka la jiiftana ha u booga dhayo.
Mahadsanidiin
Abdullahi Yabarow
Bergen, Norway